Khamiis, May 07, 2009(HOL): Mudaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo Burcad Badeedda ka dilaacday Xeebaha Somaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee caasimada u ah Dowlad Goboleedka Puntland.
Waxaa ka qeyb galay Banaanbaxaasi qaar ka mid ah golaha xukuumadda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Garowe.
Dadkii ka hadlay Banaanbaxaasi waxaa ku jiray culuma’udiin faro badan ,kuwaasi oo sheegay in ay tahay xaraan Hantida laga qaato Maraakiibta shisheeye ,waxaana ay ku baaqeen in aan waxba laga gadan Burcad Badeedda.
Sidoo Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu soo hadal qaaday arimaha Burcad badeedda oo la aaminsan yahay in ay Sumcad xumo u soo jiideen Maamulka.
Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa labadii sano ee u dambaysay xarun u noqotay Burcad Badeedda ,waxaana inta badan weerarrada ay qaadaan laga abaabulaa magaalada gudaheeda, balse Mudaharaadkii maanta ayaa la filayaa in uu meesha ka saaro xiriirkii ka dhaxeeyay dadwaynaha iyo Burcad Badeedda ee ku saabsanaa ganacsiga.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosoaso,Soomaaliya