Khamiis, May 07, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sii daayeen Markab ay dhawaan qabsadeen oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, kaasi oo wada raashin, qalabka dhismaha iyo alaabo kale.
Markabkan oo lagu magacaabo Al-Miisaan, isla markaana ka soo shiraacday Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxay Kooxaha Burcad Badeedka ka qafaasheen meel u dhow Dekedda dabiiciga ah ee Ceel Macaan oo Muqdisho u dhow, kadibna waxay la aadeen dhinaca Gobollada Dhexe.
Ganacsatada uu u raran yahay Markabkan oo aan la xiriirnay ayaa waxay ka gaabsadeen in ay wax faah-faahin ah ka bixiyaan sii deynta Markabka, waxayna sheegeen in ay hadal bixin karaan marka uu Markabka soo gaaro.
Ma cadda ilaa iyo haatan in sii deynta Markabkan lagu bixiyay lacag madax furasho ah iyo in ay Kooxaha Burcad Badeedka iskood u go’aansadeen in ay Markabkaas iska sii daayaan, maadaama uu u raran yahay Ganacsato Soomaaliyeed.
Kooxaha Burcad Badeedka ayaa marka wax laga weydiiyo sababta ay Maraakiibta iyo Doomaha u qafaashaan waxay ku doodaan in ay Xeebaha Soomaaliya ka ilaalinayaan Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta iyo kuwa ku shuba sunta khatarta ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya