Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo oo dadaal ugu jirta in ay xaliso dhinacyada isaga horjeeda Gobolkaas

Khamiis, May 07, 2009(HOL): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Dibaddiisa, isla markaana ka soo jeedda Gobolka Gedo ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u heshiisiin lahayd mas’uuliyiinta maamulka Islaamka ee haatan gobolkaas ka taliya iyo mas’uuliyiintii ay horay ugu magacawday Dowladdii TFG-da, kuwaasi oo hadda ku sugan Deegaanka Doolow Soomaaliya.

Barre Maxamed Faarax (Barre Qooje) oo ka tirsan Mas’uuliyiinta maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo isla markaana o u waramay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xiriirro la soo sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Reer Gedo ee ku nool dalka dibaddiisa, wuxuuna sheegay in ay  u soo jeediyeen in ay ka aqbalaan in ay waan waan ka dhex bilaabaan iyaga iyo mas’uuliyiintii Dowladda Federaalka ee gobolka ka talin jiray, wada hadal kadibna ay ka aqbaleen in ay dadaalkaas dhexdhexaadinta ah bilaabaan.

Mas’uulkan u hadlay maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu intaas ku daray in ay mar walba soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in wada hadal wax lagu xaliyo, wuxuuna caddeeyay in ay horay cafis ugu fidiyeen mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladdii TFG-da, kuwaasi oo uu sheegay in ay si iskood ah u go’aansadeen in ay ku soo noqdaan gobolka Gedo.

Laakin Col. Warfaa Shiikh Aadan oo ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladdii TFG-da ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in aaney wax wada hadallo ah dhexmari karin iyaga iyo mas’uuliyiinta maamulka ka taliya gobolka Gedo, wuxuuna ku xiray wada hadallo labada dhinac dhexmara iyadoo sida uu yiri marka hore  ay gobolka isaga baxaan dad aan u dhalan oo maamulka hadda ka taliya ku jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya