Khamiis, May 07, 2009(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay kulan shalay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhexmaray Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Soomaaliya iyo weliba Garabka Xisbul Islaam ee uu hoggaamiyo Shiikh Maxamed Xasan Camey.
Kulankaas ayay Dadka Muqdisho ku tilmaameen mid muhiim u ah dib u heshiisiinta iyo in xal loo helo mushkiladda ka taagan Soomaaliya, bacdamaa uu Garabkan Xisbul Islaam ka mid ahaa Xoogag ka soo horjeeday Dowladda Soomaaliya.
Kulankii shalay ka dhacay Xarunta Villa Somalia ayaa waxaa dhinaca Dowladda uga qeybgalay xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Ku xigeenkiisa Shariif Xasan Shiikh Aadan,Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan, Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame, Wasiirka Cadaaladda Shiikh C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow, halka dhinaca Xisbul Islaamna ay kulanka uga qeybgaleen mas'uuliyiinta Xisbiga sida Guddoomiyaha Shiikh Maxamed Xasan Camey, Afhayeenka Shiikh Daa'uud Abti-doon iyo Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo ka mid ah mas'uuliyiinta Xisbul Islaam.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay qaati ka joogaan nabadgelyo darro iyo dagaallo ay ku soo jireen muddo labo sano ka badan, waxayna aad u jeclaan lahaayeen in ay maqlaan dhawaq la mid ah midkii shalay ka soo yeeray Xarunta Villa Somalia, kaasi oo ahaa in ay wada kulmeen mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin horay u mucaaradsanaa Dowladda Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulanka dhexmaray madaxda Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Xisbul Islaam garabka Shiikh Maxamed Xasan Camey ayaa wuxuu yahay mid loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta, waana tallaabadii ugu horreysay oo ay Dowladda Midnimada Qaran oo dib u heshiisiin ku dhalatay ay u qaaddo dhinaca Dib u heshiisiinta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya