Roob dabeyl watay oo hakad geliyay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga oo ka da’ay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, December 23, 2009(HOL): Roobkan oo da’ayay muddo saacad ku dhow, isla markaana dabeylo watay ayaa wuxuu hakad geliyay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo markii roobka bilawday ay dad badan xaaladda ku kaliftay in ay albaabada u laabaan ganacsigooda.

Roobka ayaa wuxuu sidoo kale biyo dhigay waddooyinka dhexmara Xaafadda Islii oo marka roobka da’o noqda kuwo aaney nadaafaddooda wanaagsaneyn, waxaana intii roobka socday la demiyay Korontadii Xaafadda Islii.

Dad aan wax ka weydiinnay sababta Korontada loo demiyay ayaa noo sheegay in ay taasi la xiriirto iyadoo laga baqayo in ay korontada ka dhalato maaso kaddibna ay dhibaato ka soo gaarto dad ku nool iyo kuwa ku ganacsada xaafadda Islii.

Xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin dad badan oo Soomaali ah ayaa waxaa marka aad dhex socoto waxaad soo xusuusaneysaa Suuqa Bakaaraha, si gaar ahna waxaad u xusuusaneysaa marka uu sidan oo kale roobka da’o ee ay waddooyinka dhiiqo noqdaan.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya