Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisu uu dadaal ugu jiro sidii u dhexdhexaadin lahaa kooxaha isku haya gudaha Soomaaliya

Arbaco, 23 December 2009 (HOL)- Madaxweyanha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga dalka Burundi ayaa suxufiyiinta ugu sheegay Magaalada Bujumbura inuu wado qorshe uu ku dhexdhexaadinayo kooxaha isku haya Soomaaliya.
 
Ismaaciil Cumar Geelle oo aan sheegin kooxaha uu doonayo inuu isku keeno ayaa haddana wuxuu xusay in dalkiisu uu dadaal dheeraad ah ugu jirto sidii ay dib ugu soo noqon lahayd xalaadda amaan ee Soomaaliya.
 
"Xaaladda Soomaaliya weli waa mid aan la isku haleyn karin, dalalka dariska la ah waxaa laga doonayaa inay iska kaashadaan sidii nabad iyo daganaasho loogu soo celin lahaa" ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo saxaafadda la hadlay.
 
Dalka Burundi ayuu ku amaanay kaalinta ay ciidamadiisu ka qaadanayaan nabad ilaalinta Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu ka mid noqdo AMISOM si uu qayb uga qaato nabad ka dhalata Soomaaliya.
 
Madaxweynaha dalka Burundi Mr. Pierre Nkurunziza ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka dalkiisa ka jooga Soomaaliya ay sii wadi doonaan howlaha nabad ilaalineed ee ay ka hayaan Soomaaliya, isla markaana aanay ka saarayn inta Soomaaliya ay ka dhalanayso nabad buuxda.
 
Dalka Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka badan 1,600-askari, kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya, iyadoo laga dilay intii ay howshan wadeen askar iyo saraakiil fara badan.
 
Kooxaha dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda ayaa rumeysan in dalka Jabuuti uusan arrimaha ka taagan dalka ka ahayn dhexdhexaad oo ay la safan yihiin DFKMG ah, taasoo lagu soo dhisay dalkeeda dhammaadkii sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya