Wasiir ka tirsan DFKMG ah oo sheegay inay ka shaqeynayaan siidaynta badmaaxiin u dhasha Dalka Filibiin oo lagu haysto Soomaaliya

Arbaco, 23 December 2009 (HOL)- Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa maanta xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay qayb libaax ka qaadanayso sidii ay xoorriyadooda ku heli lahaayeen 56-badmaaxe oo u dhashay dalka Filibiin oo gacanta ugu jira kooxo burcadbadeed ah.

Prof. Ibbi oo la hadlayay wakaaladda wararka Xinhua ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusii dayn doonaan shaqaalahaas oo tan iyo sannadkii 2008-da ku jira gacanta afduubayaal Soomaaliyeed.

"Howl adag oo aan ku xaqiijinayno sii daynta badmaaxiintan ayaan sameyn doonaa, waxaana u sameyn doonaan sida ugu wanaagsan ee aan awoodno" ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.

Dowladda Filibiin ayaan wax wada-xaajood ah oo lagu sii daynayo muwaadiniinteeda lagu haysto Soomaaliya la yeelan kooxaha haysta, iyadoo dalkan ay u dhasheen badmaaxiinta ugu badan ee ka shaqeeya caalamka dacalladiisa.

Tan yo sannadkii 2008, waxaa Soomaaliya lagu qafaashay 200-badmaaxe oo u dhashay dalka Fillibiin, kuwaasoo la socday maraakiib kala duwan oo lagu afduubay biyaha Soomaaliya, balse intooda badan waxaa lagu sii daayay madaxfurasho.

Badmaaxiinta ka shaqeeya caalamka ee u dhashay dalka Filibiin ayaa lagu sheegay tiradooda 350,000, iyagoo noqonaya 30% badmaaxiinta la socda maraakiibta kala duwan ee caalamka ka shaqeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya