
Arbaco, 23 December 2009 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay qaabiley Wefti ka socda dalka Kenya oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamanka dalkaas Faarax Macallim.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxweyne Rayaale, kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, waxay labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha socdaalka Weftiga iyo xaaladda Siyaasadeed iyo amni ee Somaliland. “Madaxweynaha Somaliland waxa uu marka hore Wefdiga uga waramay taariikhdii sooyaalka ahayd ee Somaliland tan iyo markii ay is raaceen Wadankii la isku odhan jiray Somalia..Madaxweynuhu , waxa kale oo uu wefdiga ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland.” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.
Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyadu waxa kale oo lagu sheegay in sidoo kale Madaxweyne Rayaale Weftiga kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland la yeelan karto dalalka kale ee Afrika. “Madaxweynuhu , waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada Afrika ay albaabadoodu isku furnaadaan, gaar ahaan dhinaca Isgaadhsiinta iyo Ganacsiga, taasi oo wax weyn ka tari doonta in Afrika marka hore ay iyadu is tix gelis isna barato.” Ayaa ka mid ahaa qoraalka Warsaxaafadeedkaasi xambaarsanaa.
Dhinaca kale, Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo isna kulankaa ka hadlay, ayaa Afhayeenku sheegay in socdaalkani xoojin u yahay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya. Waxaana Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyada lagu yidhi, “Gebo-gabadiina, waxa uu Mudane Faarax cadeeyay in socdaalkoodani uu noqon doono mid sii xoojiya xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya, isagoo aan noqon doonin kii ugu danbeeyay ee ay dalka Somaliland ku yimaadaan.”
Weftigan ayaa Wararku sheegeen in maanta ay socdaal ku tageen Magaalooyinka Berbera iyo Sheekh ee Somaliland, halkaas oo ay indho-indhayn u tageen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland