Arbaco, December 23, 2009(HOL): Xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin aya shalay gelinkii danbe si nabadgelyo ah kula wareegay Degmqada Badhaadhe ee ku taal Galbeedka Gobolkan J/hoose.
War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada jubooyinka ayaa lagu sheegay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin shalay galinkii danbe si nabadgelyo ah kula wareegtay Degmada Badhaadhe ee ku taal galbeedka gobolka J/hoose, halkaas oo ay horay uga arrimin jireen Ciidamadii uu hoggaaminayay Axmed max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin ka ah ururka Xizbul Islaam.
Ma jiraan wax dagaal ah oo ka dhacay Degmadaasi ilaa iyo haatanna lama yaqaano halka ay qabteen ciidamadii uu horkacayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo iyagu horay ugu sugnaa Degmadaasi Badhaadhe.
Ma ahan markii ugu horreeysay oo ciidamada Xarakada Shabaabul mujaahidiin ee gobollada jubooyinka ay si nabadgelyo ah kula wareegaan degmooyin ama deegaanno ay horay uga arrimin jireen Xoogaga ka soo horjeeda ee uu horkacayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed madoobe) waxaana ay Degmada badhaadhe noqoneysa degmadii ugu danbeysay ee ka tirsan 5ta degmo ee uu ka koobanyahay Gobolkani J/hoose oo ay la wareegaan xoogaga xarakatu shabaabul Mujaahidiin.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya