Arbaco, 23 December 2009 (HOL)- Allaha u naxariistee Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Siciid Maxamed Nuur, ayaa xalay ku geeriyooday gurigiisa Magaalada Hargeysa, ka dib markii si kedis ah Wadnuhu isu-taagay. Waxaana Aaskiisa maanta ka qayb galay Madaxweyne Rayaale.
Wasiiru-dawlihii arrimaha dibedda Marxuum Siciid Maxamed Nuur ayaa xalay abbaaro 10:45 daqiiqo si kedis ah u geeriyooday, ka dib markii sida Wararku sheegayaan uu Wadnuhu istaagay. Isla markaana waxa maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa.
Aaska Marxuumka waxa maanta ka qayb galay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Masuuliyiin ka kala socday Baarlamaanka Somaliland iyo Axsaabta. Waxaanay marxuumka Ilaahay uga baryeen in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ilaahayna samir iyo Iimaan ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii Marxuumka.
Waa xubintii labaad ee ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Rayaale ee geeriyooda muddo bil ah gudaheed, halka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf uu 20-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee November si kedis ah ugu geeriyooday Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga, waqtigaas oo uu halkaa u tegay gudashada waajibaadka Xajka.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland