Dowladda Soomaaliya oo maanta kusoo bandhigtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lacag Black Dollar ah oo la qabtay


Arbaco, 23 December 2009 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kusoo bandhigtay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde lacag Black Dollar ah oo gaaraysa 3.5-Milyan taasoo la sheegay in loo waday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isla markaana gacanta lagu dhigay ruuxii lacagtaas watay.

Wasiirka Lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in lacagta iyo ruuxa watay ay qabteen shalay ciidamada garoonka ka shaqeeya gaar ahaan kuwa la shaqeeya wasaaradda Maaliyadda.


"Lacagta Black Dollarka waxaa lagu qabtay hal qof oo watay boorsadii ay ku jirtay, waxaana loo waday sida aan wararka ku hayno Magaalada Gaalkacyo si ammaanka wax loogu dhibo" ayuu yiri Wasiirka Lacagta isagoo sheegay in ruuxa lagu qabtay dhawaan maxkamad lasoo taagi doono.

Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay aad u adkeynayso amaanka guud ee garoonka diyaaradaha ayna tahay markii labaad oo la qabto lacag Black Dollar ah oo loo waday Gobollada nabadddu ka jirto ee Somalia.


Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Max'ed Xasan (Madoobe) oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in lacagtaas lagu soo qariyay Cambe, lana doonayay in laga dhoofiyo garoonka.

Lacagta oo loosoo bandhigay saxaafadda ayaa ku jirtay laba sanduuq oo waaweyn oo ay dusha kaga sawiran tahay lacagta Dollarka, iyadoo aanay jirin koox ka tirsan kooxaha dowladda ka horjeeda oo sheegatay inay iyadu lacagtaas wadatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa laba bilood ka hor kusoo bandhigtay garoonka diyaaradaha lacag 1-Milyan oo Dollar ah, taasoo la sheegay in loo waday Hargeysa si wax loogu dhimo amaanka iyo daganaashaha ka jira deegaannadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya