Bandow xalay lagu soo rogay Magaalada Beledweyne kaddib markii shalay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Hay'adda WFP

Arbaco, 23, Dec, 2009 (HOL) Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa xalay ku soo rogay Magaalada Beledweyne Bandow ka bilaabanay 8: 00 Fiidino kadib markii kooxo hubeysan maalintii shalay ku dileen gudaha Magaalada Sarkaal horay ka tirsanaa Hay'adda WFP, horayna u la soo shaqeeyay Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
 
Xalay ayaa Magaalada waxaa lagu arkayay qaar ka mid ah Ciidamada oo dadka codbaahiye ugu sheegaya in marka la gaaro Sadeeda Fiidnimo ku xaroodaan guryahooda, iyaga oo ku wargaliyay cidii lagu arko wixii ka danbeeya waqtiga loo qabtay Bandowga in loo arki doono cid dhibaato ku ah amaanka Ciidamaduna talaabo ka qaadi doonaan.
 
Bandowga ayaa u muuqday mid lagu xoojinayo nabada kadib markii maalintii shalay dad careysan ka dhigeen Magaalada Beledweyne isu soo baxan aan sidaa u badneyn laakiin rabshado watay, kadib markii kooxo haween ah oo ka careysnaa dilka dhacay dhagaxyo tuureen goobaha ganacsiga Magaalada inkastoo markii danbe Ciidamo ka wada tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin kala direen dadkii isu soo baxay oo qaarkood la xir xiray.
 
Marka laga soo tago Bandowga lagu soo rogay Magaalada iyo dadka loo qab qabtay in ay ka danbeeyeen rabshadihii dhacay ilaa hadda ma'jirto cid Maamulku u soo xiray falkii Maalintii shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne,waxaana ay Mas'uuliyiintu ku gaabsadeen mar arrintaa wax laga weydiiyay in ay wadaan baaritaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]