Arbaco, 23, Dec, 2009 (HOL) Madaxa warfaafinta Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballka Galgaduud ayaa sheegay in ay ka warhayaan dagaallada soo noq noqonaya ee ka taagan deegaannka Bacaad-weyn, islamarkaana ay ku wargaliyeen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannka in ay xaalada soo faragalin doonaan haddii ay ku guuldareystaan xalinta Khilaafka jira.
Shiikh C/llaahi Abuu-yuusuf Al-qaadi waxaa uu sheegay in marnaba Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca dul qaadan doonin dagaal mar kale ka dhaca deegaannka Bacaad-weyn waxaana uu intaa ku daray in Maamulku Ciidamo u dir doono halka dirirtu ka socto hadii ay dagaaladu mar kale soo laabtaan, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada is haya in wixii khilaaf ah ku dhameeyaan wada hadal una hogaasamaan waan waanta ay wadaan Odayaasha deegaannka.
Warka ka soo baxay Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa muujinaya xadiga colaada ka taagan deegaannka Bacaad-weyn oo ka tirsan Goballka Galgaduud, waxaana dhinaca kale muuqaneysa in warkaasi yahay mid dhiiri galin u ah waan waanta ay wadaan Odayaasha oo u baahnaa in xaalka la soo faragaliyo simarkaa loo fududeeyo hishiis laga gaaro khilaafka jira.
Dagaalladii ugu danbeeya ee ka dhacay deegaannka Bacaad-weyn ee Goballka Galgaduud ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhintay ku dhawaad 15 ruux oo ka kala tirsan dhinacyada colaadu u dhaxeyso in dad rayid ah oo loo dilay heyb qabiil, waxaana ka mid ah Odayaasha ku baaqay in dagaaladaasi la joojiyo Af-hayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo dhinaciisa sheegay in uu ka qeyb qaadan doono xoojinta waan waanta socta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in uu faragalin doono colaadda ka taagan deegaanka Bacaad-weyn
More News
- Ka qeybqaado gurmad lagu badbaadiyo labo gabdhood oo iyagoo caloosha isaga dhegan dhashay (DAAWO SAWIRRO)
- Roob dabeyl watay oo hakad geliyay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga oo ka da’ay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweyne Rayaale oo Madaxtooyada ku qaabiley Weftiga ka socday Baarlamaanka Kenya
- Dowladda Soomaaliya oo maanta kusoo bandhigtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lacag Black Dollar ah oo la qabtay
- Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda Somaliland oo geeriyooday iyo Madaxweyne Rayaale oo ka qayb galay Aaska Marxuumka
- Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisu uu dadaal ugu jiro sidii u dhexdhexaadin lahaa kooxaha isku haya gudaha Soomaaliya
- PROF. MAXAMED CUMAR DALXA: "Maamul Goboleedka Puntland xaq ayuu u leeyahay inuu sameysto calan iyo astaan u gaar ah"
- Wasiir ka tirsan DFKMG ah oo sheegay inay ka shaqeynayaan siidaynta badmaaxiin u dhasha Dalka Filibiin oo lagu haysto Soomaaliya
- Bandow xalay lagu soo rogay Magaalada Beledweyne kaddib markii shalay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Hay'adda WFP
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo si nabadgelyo ah kula wareegtay Degmada Badhaadhe ee Gobolka J/hoose.