PROF. MAXAMED CUMAR DALXA: "Maamul Goboleedka Puntland xaq ayuu u leeyahay inuu sameysto calan iyo astaan u gaar ah"

Arbaco, 23 December 2009 (HOL)- Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max'ed Cumar Dalxa oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Maamul Goboleedka Puntland uu xaq u leeyahay inuu sameyso calan iyo astaan u gaar ah.

Prof. Dalxa wuxuu sheegay in axdi-qarameedka u dagsan Somalia uu qorayo in maamul goboleed walba oo dalka ka jira uu sameysan karo calan iyo astaan u gaar ah, ayna tahay in dowladda Soomaaliya ay ku dhiirrigeliso.

"Maamul Goboleedka Puntland wuxuu ka tirsan yahay Somalia, waana sameysan karaa calan iyo astaan u gaar ah, taasi waxba uma dhibayso ka mid ahaashihiisa Soomaaliya" ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay in Puntland ay ku adkeysanayso inay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ugu hambalyeynayo Puntland calanka iyo astaanta ay sameysatay, isagoo xusay in maamulkaas uu ka hirgeliyay gobollada uu gacanta ku hayo amaan iyo xasilooni la isku haleyn karo.

"Dastuurka dalkeenna u dagsan waxaa ku cad in Soomaaliya ay tahay Federaal, nidaamkaasna wuxuu ogol yahay in cid walba ay sameysan karo astaan u gaar ah, sida ku cad qodobka 11-aad ee dastuurka dalka" ayuu yiri Prof. Max'ed Cumar Dalxa.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa dhawaan isaguna sheegay in Puntland ay sameysan karto calan iyo astaan u gaar ah, isagoo tilmaamay in taasi aysan ahayn in maamulkaas uu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale.

Baarlamaanka Puntland ayaa shalay cod ku ansixiyay calan ka kooban saddex midab oo isdul-saaran iyo astaan u gaar ah, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay Puntland yeelato calan iyo asataan u gaar ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya