Talaado, April 21, 2009(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddida Doorashooyinka Somaliland, kaas oo bedeli doona jago uu banneeyay xubin hore uga geeriyooday Guddidaas marxuum Xasan Maxamed Cumar (Looshade).
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed laga soo saaray Aqalka Madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadu oo nuqul ka mid ahi HOL soo gaadhay, ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu ogolaaday in Xasan Cumar Hoori oo dhawaan Golaha Guurtidu u magacaabeen in uu buuxiyo jagadii uu banneeyay xubin hore uga tirsanaa Komishanka Doorashooyinka Marxuum Xasan Maxamed Cumar (Looshade) oo geeriyooday.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta soo saaray qoraal uu ku ansixinayo xubinta cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya go’aankii ay golaha Guurtidu ku soo magacawday xubinta cusub ee ka bananaanaatay Komishanka Doorashooyinka oo uu hore uga tirsanaan jiray Marxuumkii dhawaanta geeriyooday Alle ha u naxariistee Xasan Maxamed Cumar “Looshade”, waxa uu ansixiyay in xubintaasi uu buuxiyo Mudane Xasan Cumar Hoorri, sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka lambarkiisu yahay 20/2001, qodobkiisa 12-aad. Sidaa awgeed, waxa uu ka codsay Madaxweynuhu Golaha Wakiilada in ay ansixiyaan xubintaasi cusub ee loo soo magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo gudanaya xilkooda distooriga ah.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland