Dhalinyaro looga shakisan yahay in ay Burcad Badeed yihiin oo la keenay Degmada Laasqoray

Talaado, April 21, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed looga shakiyay ayaa shalay gelinkii dambe la keenay Xeebta Degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag , waxaana Kooxahaas  soo qabtay  Ciidamada Shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Dhalinyaradaan Burcadda looga shakiyay ayaa gaarayay 12 ruux ,waxaana xeebta Laasqoray keenay Markab nooca dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Denmark ,iyaga oo gacmaha ka xirxiran.

Maamulka Degmada Laasqoray ayaa sheegay in dhalinyarada la keenay aysan ahayn Burcad ,isla ay markaana ay yihiin dad kalluumaysato ah oo aan wax kala socon afduubyada Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale Maamulka degmadaasi ayaa tilmaamay in lagu qaldamay dhalinyaradan la keenay degmada,iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo la keeno Laasqorey dhalinayro looga shakiyay in ay yihiin Burcad Badeed.

Dadka Degmada Laasqoray ayaa sheegay in xiliga habeenkii ah ay maqlaan guuxa diyaarado ku duulaya jooga hoose ,iyadoo ay xusid mudan tahay in Xeebaha Degmada Laasqoray lagu heysto Maraakiib Shisheeye oo qaarkood ay wadaan haamo aan la aqoonin waxa ku jira. Maraakiibta lagu heysto Degmada Laasqoray ayaa laga kala  leeyahay Dalalka Masar iyo Talyaaniga waxayna dadka deegaankaas ku doodayaan in ay soo qabteen dhalinyaro ilaalisa Xeebaha Soomaaliya.

 Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
 [email protected]
Boosaaso, Soomaaliya