Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in Shareecada Islaamka lagu xakumo Soomaaliya

Talaado, April 21, 2009(HOL): Ururka Al-Shabaab ayaa maanta wuxuu ka hadlay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku  gaaray in dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay Ururka in go’aankaas uu ahaa mid shacabka Soomaaliyeed lagu jaha-wareerinayo.

Madaxa Siyaasadda iyo Gobollada Ururka Al-Shabaab Shiikh Xuseen Cali Fiidow oo shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in shareecada Islaamka aysan kala doorasho lahayn, isla markaana ay qalad ahayd in markii horeba mooshin laga dhigo in Shareecada Islaamka lagu xukumo Soomaaliya.

“Haddii Baarlamaanka uu cod u qaaday in Shareecada Islaamka dalka lagu xukumo, berrina waa ka noqon karaa”ayuu yiri Shiikh Xuseen Cali Fiidow oo sheegay in sida uu u yiri dadka dowladda sheeganaya aaney dhab ka ahayn in Shareecada Islaamka lagu xukumo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Shiikh Xuseen Cali Fiidow in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo dhawaan la hadlayay Idaacadda Codka Mareykanka uu sheegay in Shareecada Islaamka ee ay qaateen ay tahay mid qunyar-socod ah oo aan ahayn mid dadka ku xukumeysa in gacmaha iyo lugaha laga jaro, waa sida uu Shiikh Xuseen hadalka u dhigaye.

“Waxaa daliil u ah in qoladan dowladda sheeganeysa aysan rabin in ay shareecada Islaamka ku xukunto dalka meelaha ay ka taliso ayaa ugu badan meelaha dadka lagu dhibaateeyo, dalka intiisa kalena nabadgelyo ayaa ka jirta”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh Xuseen Cali Fiidow Madaxa Siyaasadda iyo Gobollada ee Ururka Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu noqonayaa Ururkii ugu horreeyay oo ka soo horjeesta go’aankii uu dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in Dalka Soomaaliya lagu xakumo Shareecada Islaamka, waxaana xusid mudan in ay go’aankaas horay u soo dhaweeyeen Ururro ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin garabyada Xisbul Islaam.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya