Talaado, April 21, 2009(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa waxay galabta ku dileen nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan Maxamed Maxamuud Jimcaale Cagaweyne oo ka mid ahaa saraakiishii Maxkamadaha Islaamka ee sanadkii 2006 ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Marxuumka ayaa wuxuu madax ka ahaan jiray Maxkamaddii Shareecada Islaamka ee Al-Furqaan oo ka tirsaneyd Maxkamado dhowr ah oo hoos imaanayay Midowgii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii firfircooneyd ee Maxkamadaha Islaamka.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Shariif Maxamuud Xasan iyo Xildhibaan C/llaahi Ciise Abtidoon oo labadaba ka mid ahaan jiray Maxkamadihii Islaamka, markii la dilayay ka mid ahaa Dowladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya