Talaado, April 21, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa shaaca ka qaaday in uu habeenkii xalay ahaa ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa.
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in isagoo dhex socday Suuqa Bakaaraha ay weerar ku soo qaadeen kooxo hubeysan oo labo gaari ku watay, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, wuxuuna caddeeyay in kooxihii soo weeraray ay rasaas ku fureen, hayeeshee ay ilaalo la socotay ka caabiyeen.
“Waxaan xog ku heynaa in rag mas’uuliyiin ah uu Ururka Al-Shabaab dil ku xukumay Aniga oo Axmed Diiriye ah, Maxamed Xasan Xaad, Abwaan Abshir Bacadle, Imaan Abshir Macallin Cumar, C/llaahi Dheere iyo Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in aaney garaneynin sabab keeni karta in dilkaas lagu xukumo iyadoo buu yiri ay u adeegayeen Shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Diiriye Cali waxa uu intaas ku daray in qof walba uu dhimanayo waqtigii uu Allaah ugu talagalay, wuxuuna caddeeyay in aysan ka laaban doonin howsha musaalaxada ah ee ay wadaan, taasi oo uu sheegay in ay tahay mid kheyr ku jiro.
Hadalka uu sii daayay Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa ka jawaabay mas’uul u hadlay Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Shiikh Xuseen Cali Fiidow, wuxuuna sheegay mas’uulkan in aysan waxba ka jirin in Al-Shabaab ay dil ku xukumeen odayaasha iyo waxgaradka Muqdisho, wuxuuna sheegay in arrintaas ay tahay mid la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed lagu kiciyo.
“Odayaasha hadalkaas sheegay waxaa laga rabaa in ay soo caddeeyaan oo ay sheegaan cidda ugu hanjabtay in la dilo, annaga waxaan ogeyn Odayaasha oo mujaahidiin ah oo halgankii la soo galay ka soo qeybqaatay”ayuu yiri Shiikh Xuseen Cali Fiidow oo ku celi celiyay in Odayaasha looga baahan yahay in ay soo caddeeyaan in Ururka Al-Shabaab uu dil ku xukumay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya