Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya oo Dad rayid ah si bareer ah ugu toogtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho

Talaado, April 21, 2009(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya ayaa saaka si bareer ah u toogtay dad rayid ah oo la socday gaari BL ah oo marayay nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa dadkaasi rasaaseeyay kadib markii gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen uu ku dhacay gaari Mini Bus ah, iyagoo kadibna si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dadkii gaariga la socday, sidaasna ay dhimasho iyo dhaawac  ku soo gaartay.

Dad goob-joogayaal  ah ayaa sheegay in rasaasta lagu furay gaarigaas ay labo ruux ku  geeriyoodeen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kale oo  lix ruux gaaraya, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Dadka ku dhaawacmay rasaastaas ayaa waxay qaarkood qabaan dhaawacyo culus,  waxaana taas ugu wacnaa iyadoo xabadaha dadkaas lagu furay ay ahaayeen kuwo waa weyn  oo ka dhaceysay Qoriga ay Soomaalida u taqaano Dhashiikaha.

Dad mehrado ganacsi ku heysta Isgoyska Banaadir iyo kuwa  socod ku marayay oo shilkaas la kulmay ayaa si weyn uga xumaaday dhibaatada soo gaartay dadka rayidka ah ee la socday gaariga BL-ka ah oo la sheegay in uu ka yimid dhinaca Wadada Afgooye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya