Xoogagga Islaamiyiinta ah ee Xiisadda ugu dhaxeyso Magaalada Muqdisho oo loogu baaqay in ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan

Talaado, April 21, 2009(HOL): Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Isbaheysiga Xisbul Islaam Garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa ugu baaaqay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee xiisadda ugu dhaxeyso magaalada Muqdisho in ay xiisadda qaboobiyaan, isla markaana laga wada hadlo waxyaabaha ay isku hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cusmaan Ibraahim ayaa ugu baaqay dhinacyada Islaamiyiinta ah ee isku haya Magaalada Muqdisho in ay ula noqdaan waxyaabaha ay isku hayaan Shareecada Islaamka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoogag soo wada halgamay oo la dagaallamay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay haatan dhexdooda xabad isu qaataan.

Sidoo kalena Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ah Afhayeenka Golaha Shuurada Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa sheegay in xiisadda u dhaxeysa xoogagga Islaamiyiinta ah ay sii hurineyso sida uu hadalka u dhigay gacan shisheeye, taasi oo si fidno ah ugu kala dab qaadeysa labada dhinac.

“Waxaa dhacday oo xaqiiqadeeda la hayaa in guryo ay ku jiraan Mas’uuliyiin Maxkamadaha Islaamka bambooyin lagu weeraray, sidoo kalena guryo ay ku jiraan Mas’uuliyiin Al-Shabaab ka tirsan bambooyin lagu weeraray, taasina waxaa ka dambeeya gacmo shisheeye oo doonaya in ay isku dhacaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Baaqa xal-doonka ah ee ay sii daayeen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho laga dareemayay maalmihii aynu ka soo gudubnay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa xoogag kala taabacsan Maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Talaado, April 21, 2009(HOL): Abdisalaam Caddaay oo u ciyaara kooxda Manchester City iyo Xulka Qaranka Norway ayaa ciyaar kulul la yeelan doona isaga iyo kooxdiisa Manchester City Maalinimada Arbacada ah ee ay taariikhdu tahay 22.April 2009, saacadda lixda galabninimo.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddida Doorashooyinka Somaliland, kaas oo bedeli doona jago uu banneeyay xubin hore uga geeriyooday Guddidaas marxuum Xasan Maxamed Cumar (Looshade).

Talaado, April 21, 2009(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa waxay galabta ku dileen nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan Maxamed Maxamuud Jimcaale Cagaweyne oo ka mid ahaa saraakiishii Maxkamadaha Islaamka ee sanadkii 2006 ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Ururka Al-Shabaab ayaa maanta wuxuu ka hadlay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay Ururka in go’aankaas uu ahaa mid shacabka Soomaaliyeed lagu jaha-wareerinayo.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaas uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedyo iyo Xoogag Islaamiyiin ah oo la sheegay in ay hoos-yimaadaan maamulka ka taliya magaalada Kismaayo.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed looga shakiyay ayaa shalay gelinkii dambe la keenay Xeebta Degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag , waxaana Kooxahaas soo qabtay Ciidamada Shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa shaaca ka qaaday in uu habeenkii xalay ahaa ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya ayaa saaka si bareer ah u toogtay dad rayid ah oo la socday gaari BL ah oo marayay nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Kadib dagaal saacado badan qaatay oo ku dhaxmaray Magaalada Beledweyne Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa ugu dambeyntii waxaa ay ku guuleysteen Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan in ay kala qaadaan Ciidamada dagaalku dhaxmaray.

Talaado, April 21, 2009(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in sii deynta Burcad Badeed laga qabtay Xeebaha Soomaaliya oo weliba marka la qabanayay weerarayay maraakiib ay taasi tahay mid qaldan.

Somali News

4/21/2009 8:10 PM EST
A Somali teenager accused of holding hostage a U.S. ship captain in the Indian Ocean after an attempted hijacking will be tried as an adult in New York on piracy charges, a U.S. judge ruled on Tuesday.

4/21/2009 5:11 PM EST
A senior member of an Islamist militia allied with Somalia's government has been killed in the capital, Mogadishu, in the second such attack in as many weeks.

4/21/2009 4:26 PM EST
The sole survivor of a pirate attack on an American cargo ship cried in a New York courtroom Tuesday as a dispute erupted over whether he was a juvenile or an adult, an issue that will determine whether his case will be open to the public.

4/21/2009 10:53 AM EST
A hard-line opposition faction in Somalia, allied with the militant al-Shabab group, has cautiously welcomed the passage of Islamic law Saturday in parliament. It is a positive development for the Somalia's fledgling unity government, which is hoping the imposition of the law, known as sharia, will remove the insurgents' main argument for continuing the war in Somalia.

4/21/2009 10:45 AM EST
“Are you sure you’re on the right plane?” asks a flight attendant of African Express Airways, as I sit in my seat. I nod and he looks at me incredulously

4/21/2009 10:36 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — At home in central Somalia, Abdiwali Abdiqadir Muse frequented a dusty, outdoor cinema after school, watched Bollywood films dubbed into his native Somali and, his mother says, "was wise beyond his age."

4/21/2009 12:29 AM EST
WASHINGTON (AFP) - The best way to combat piracy off Somalia is to create a national naval force financed by international aid in the impoverished east African nation, a Somali government minister said Monday.

4/21/2009 12:21 AM EST
The last surviving Somali pirate captured during a botched seizure of a United States ship captain is expected to appear in a Manhattan Federal Court today (Tuesday).

4/21/2009 12:17 AM EST
NEW YORK (AP) — The sole surviving Somali pirate from the hostage-taking of an American ship captain arrived in New York on Monday, smiling for a gaggle of cameras and reporters as federal agents led him into custody to face charges in the attack.
Click here