Mareykanka oo ka xumaaday Burcad Badeed Xeebaha Soomaaliya lagu qabtay oo hadana la sii daayay

Talaado, April 21, 2009(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in sii deynta Burcad Badeed laga qabtay Xeebaha Soomaaliya oo weliba marka la qabanayay weerarayay maraakiib ay taasi tahay mid qaldan.

Hillary Clinton waxay sheegtay in loo baahan yahay in ay wada shaqeyn fiican dhexmarto ciidamada ilaaliya xeebaha Soomaaliya, waxayna xustay in loo baahan yahay in maxkamad la soo taago kooxaha Burcad Badeedka haddii la soo qabto iyagoo falal burcadnimo ah gacmaha kula jira.

Hadalka ay sii deynsay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland uu qabtay todobo burcad badeed ah, kadibna uu sii daayay. Qabashada Burcad Badeedkaas ayaa waxay timid kadib markii ay soo qabsadeen Markab laga leeyahay Dalka Belgium, kaasi  oo ka yimid dhinaca Jaziirada Seychelles.

Markabka dagaal ee Holland oo lagu magacaabo De Zeven Provincien ayaa wuxuu sidoo kalena ka sii daayay gacanta Kooxo Burcad badeed ah 20 kalluumeysato ah oo ay heysteen Burcadeedda. Sababta ay Ciidamada Holland u sii daayeen Burcad Badeedda ayaa lagu sheegay iyadoo ay ka tirsan yihiin Ciidamada NATO oo aan fasax u heysan in ay qabtaan Burcad Badeedda Soomaalida.

“Haddii Markabka Holland uu ku shaqeyn lahaa amarka Midowga Yurub, sharciga ayuu horkeeni lahaa Burcad Badeedda, laakin wuxuu ku shaqeeyaa amarka NATO oo aan dhigeyneynin in la qabto Burcad Badeedda ku sugan Xeebaha Soomaaliya, sidaas darteed waxaan u baahan nahay in aan iskaashi ka yeelano arrintan”ayay tiri Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Todobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Ciidamada Badda Mareykanka ay xoog ku furteen Captain looga heystay Xeebaha Soomaaliya, iyagoo howlgalkii ay Captainkaas ku furanayeenna ku dilay seddex Burcad Badeed ah, mid kalena gacanta ku dhigay, kaasi oo haatan la doonayo in maxkamad lagu soo taago Gobolka New York ee Dalka Mareykanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya