Odayaasha dhaqan G/Hiiraan oo ku guuleystay in ay kala qaadaan Ciidamada dhinacyadii ku dagaallamay Magaalada Beledweyne

Talaado, April 21, 2009(HOL): Kadib dagaal saacado badan qaatay oo ku dhaxmaray Magaalada Beledweyne Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa ugu dambeyntii waxaa ay ku guuleysteen Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan in ay kala qaadaan Ciidamada dagaalku dhaxmaray.
 
Nabaddoon Max'uud Axmed Xooshow Koronto oo ah Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan ayaa u sheegay warbaahinta in ay ka aqbaleen labada dhinac Xaba- joojin iyo in Ciidamada la kala qaado, waxaana uu intaas ku daray in ay kala fogeeyeen dhinacyadii iska soo horjeeday oo markii hore isku jiray Masaafo aan kala fogeyn.
 
Sidoo kale waxaa uu intaas raaciyay Nabaddoon Xooshow in Saacadaha soo socda loo ballansan yahay in laga wada hadlo waxyaabaha leysku hayo si markaas xal buuxa looga gaaro Colaadda u dhaxeysa labada garab.
 
Inkastoo Odayaashu sheegeen in ay kala qaadeen Ciidamada ayaa haddana dhinaca kale waxaa wali xiran Buundada Liiq-liiqato oo halbowle u ah isu socdka labada qeybood ee Magaalada, waxaana saakay is- rasaaseyn ku dhaxmartay Buundada Ciidamada labada dhinac ku dhaawacmay mid ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda.
 
Ma ahan wax sahlan in markiiba xal buuxa laga gaaro arrimaha leysku hayo oo ah Maamulka Goballka iyo waliba qaadista Canshuurta oo dhawaan Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan bilaabay in la qaado.
 
Guddoomiyaha Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa sheegay in Maamulkiisu dagaal kula jiro kooxo nabadda carqalad ku ah, waxaana uu intaas raaciyay in inta laga xaqiijinayo nabad-galyada sii wadi doonaan howlaha ammaanka lagu sugayo.
 
Dhinaca kale waxaa fiidnimadii xalay weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro lagu qaaday guriga uu ka degan yahay Magaalada Beledweyne Guddoomiyaha Maxkamadda Goballka Shiikh Mahad Cumar Max'uud inkastoo weerarkaasi uusan sababin wax khasaare ah.
Sikastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwo si weyn isha ugu haya dadaalka Odayaasha iyo waliba wax ka soo bixi kara, iyo sidoo kale sida mar walba arrimuhu isku badali karaan maadaama qeybo ka mid ah goobihii lagu dagaalamay wali Ciidamadu isku hor-fadhiyaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya