Dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo

Talaado, April 21, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaas uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedyo iyo Xoogag Islaamiyiin ah oo la sheegay in ay hoos-yimaadaan maamulka ka taliya magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo ka dhacay Deegaanka  Buulo Xaaji, isla markaana la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu inta xaqiijiyay geystay dhaawaca dad gaaraya 8 ruux, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo  Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo oo dagaalka ku baxay ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin dagaalkan iyo cidda uu rasmi ah u dhaxeeyo iyo weliba waxa uu salka ku hayo.

Wixii warar ah ee  ku soo kordha dagaalkan kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya