Sabti, September 13, 2008(HOL): Ka dib muddo dheer oo qiimeyn iyo dabagal lagu waday howlaha rasimiga ah ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa laga fursan waayey in gebi ahaanba la joojiyo adeegsiga garoonkaasi, sababaha soo socda awgeed:
Airport-ka Muqdisho waa xarun ciidan waxaana dhex degan Ciidamada soo duulay ee Yugandha iyo maleeshiyaadka Riddada.
Waxaa ka soo degay Calooshooda u shaqaystayaasha Yugandha iyo Burundi islamarkaana lagu wadaa inay ka soo degaan kuwa kale oo dalka lagu qabsanayo.
Waxaa si Rasmi ah u isticmaala saraakiisha Ciidamada Gaalada dalka joogta iyo xubnaha u sareeyo kooxda Riddada.
Waxaa laga dhoofiyaa Baqtiga iyo dhaawaca Ciidamada soo duulay ee Itobiya, Yugaandha iyo Burundi.
Waa il dhaqaale oo laga biilo Ciidamada Itoobiya, si toos ahna GABRE ayaa u maamula kharashaadka garoonka.
Waxaa ka soo dega Saraakiisha sirdoonka Mareykanka iyo yahuuda, waxaana lagu qabqabtaa garoonkaasi Culimada iyo dadka aan waxba galabsan.
Sidaas darteed Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin waxay ku war gelinayaan dhamaan Ganacsatada gaar ahaan Mus’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee adeegsada Goraanka Muqdisho laga bilaabo maalinta talaadada taariikhduna tahay 16/Ramadaan/1429H kuna beegan 16/9/2008M uu si rasmi ah uu u xiran yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wixii ka danbeeya maalintaas Diyaarad kasta oo isku dayda inay soo caga dhigato garoonka Muqdisho waxay mujaahidiintu u arki doonaan diyaarad Ciidan oo cadowga u adeegaysa wixii ku dhacana ayada ayaa ka masuul ah.
FG: Waxay ka bilaabaneysaa dhaqangelinta bayaankan habeenka talaadada saacadda marka ay tahay 1:00am ee saqda Dhexe.
Isha Warka: kataaib.net