Sabti, September 13, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar madaafiic loo adeegsaday oo lagu qaaday fariisimo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo Hotel ay degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarka xalay lagu qaaday Magaalada Baydhabo oo uu sheegtay Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa madaafiic lagula beegsaday Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey oo haatan fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Hotelka Bakiin oo ay isna degan yihin Mudanayaal ka tirtsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan khasaaraha ay Madaafiicdaas geysteen, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ay waxyeello ka soo gaartay weerarkaas , halka warar kalena ay sheegayaan in aaney jirin waxyeello ciidamada soo gaartay.
Laakin madaafiic ay Weerarkaas uga jawaabeen Ciidamada Itoobiyaanka oo ku dhacday xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ayaa waxay geysteen dhimashada labo ruux iyo dhaawaca 10 kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic habow ah.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa waxay walaac ka muujinayaan amni darrada sii kordheysa ee ka jirta Magaalada Baydhabo, iyadoo muddo 48 saacadood gudahood ahna ay magaalada ka dhaceen Dilal loo kala geystay Xildhibaan Maxamed Cismaan Maye iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Bay Shiikh Maxamed Xaaji C/qaadir, iyadoo sidoo kalena uu Qarax xooggan ka dhacay Suuqa Digaaga Magaalada Baydhabo, kaasi oo sababay dhaawac soo gaaray dad 10 ruux ka badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia