Qarax ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Towfiiq

Sabti, September 13, 2008(HOL): Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa saaka lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska  Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlayay xaafado ka fog halka uu ka dhacay ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray Ciidamadii lala beedsaday waxaana taasina ugu wacan iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay ahayd meel ay Ciidamada kaliya joogaan.

Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa lagu kala cararay Xaafadda Towfiiq, iyadoo dadkuna ay ka baqayeen in ay waxyeello u geystaan Ciidamadii qaraxa lala beegsaday, kuwaasi oo dhowr jeer oo qarax lala beegsaday gudaha u soo galay Xaafadda Towfiiq.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka uu ka dhaco Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo qaraxyo lala beegsaday.

Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa waxay ku sugan yihiin qeybo ka tirsan Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ilaa Warshaddii Baastada, waxaana halkaas inta badan ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamadaas iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia