Sabti, September 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in uu maanta dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolkaas.
Dagaalkaas oo la sheegay in uu ahaa mid xooggan ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo jidka u galay Ciidamadaas oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaas ayaa wuxuu daba-socday Dagaal labada dhinac shalay ku dhexmaray Tuulada Qardho oo u dhaxeysa Deegaanka Leego iyo Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.
Ilaa iyo haatan lama oga inta uu la egyahay khasaaraha labada dhinac iyo weliba dadka deegaannadaas ka soo gaaray Dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq-biri-weyne ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaallo dhexmaray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Ugu dambeyntiina, Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo horay ugu sugnaayeen Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, isla markaana ay haatan ku soo socdaan Ciidamada Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira ayaa dadka ku dhaqan waxaa laga dareemayaa cabsi ku saabsan in ay labada dhinac ku dul-dagaallamaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia