Madaxweyne Daahir Rayaale oo qaabiley Wefti sare oo ka socday Ururka Midowga Afrika

Sabti, 13 September 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Wefti uu hoggaaminayo Wakiilka Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Nicolas Bwakira oo dalka booqasho ku jooga. Iyada oo sida la sheegay ay labada dhinac ka wada hadleen arrimaha Somaliland.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku suntanaa Afhayeenka Madaxtooyadu, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Iyo Somaliland Mr. Nicolas Bwakira waxa uu Somaliland ku ammaanay horumarka dhinaca Nabadda iyo dib-u-dhiska ee ay gaadhay, isaga oo sheegay in isbedel wayn uu ku arkay markii uu yimi. M/weyne Rayaale ayaa isna Beesha Caalamka ku dhaliilay siday isaga Indho-tirtay horumarka ay Somaliland gaadhay.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiranina wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa (xalay) Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Ururka AU-da u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Md. Nicolas Bwakira oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland. Hadal kooban oo uu ka jeediyay kulankii uu Madaxweynaha la yeeshay, waxa uu kaga waramay isbedelka weyn ee Somaliland ay ku tallaabsatay, isaga oo 1993-kii Somaliland yimi, isla markaana u shaqaynayay Laan Qaramada Midoobay katirsan. Waxaana uu sheegay markii uu ka soo degay dhabbaha dayuuradaha ee Magaalada Hargeysa in uu aad ula yaabay isbedelka weyn ee horumarka ah iyo dhismaha Magaalada oo dhinac kasta ah uu magaalada ku arkay.

Mr Nicolas waxa kale oo uu aad ugu riyaaqay Nabadgelyada iyo xasiloonidaka muuqata Somaliland , isaga oo is-bar-bar dhigay marka uu Muqdisho tago in lagu daadaheeyo, laguna ilaaliyo Gaawaadhida Gaashaaman ee Ciidamada. Isaga oo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa mr Nicolas waxa uu yidhi, ‘Waxa lagama-maarmaan ah in aan anigu Indhahayga ku soo arko Somaliland waxa ay qabsatay iyo xaaladaha ka jira, siiba dhinaca dimuqraadiyadda intii cid kale iiga warami lahayd. Taas oo aan gaadhsiin doono Ururka AU-da iyo madaxda Africa ee aan la kulmi doono.’

Madaxweynaha oo isna halkaasi hadal ka jeediyay kulankaasi uu la yeeshay wefdiga, waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay qabsatay tan iyo intii gooni isu taaggeeda kala soo noqotay Waddankii la isku odhan jiray Soomaaliya 1991-kii. Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in adduunyadu inteeda kale, haddii ay noqoto Africa, Carabta iyo Yurub-ba ay si caddaalad-darro ah ula macaamileen Somaliland, iyaga oo aan tixgelin waxyaabaha ay qabsatay dhinaca Dimuqraadiyada, gaar ahaan doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo aan in badan dalalka Africa aan ka hir gelin.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu sheegay in codsiyo badan uu u jeediyay dalal badan oo dunida ah markii uu socdaalada ku tegay, isaga oo la kulmay Madaxweynayaal badan oo Africa ah iyo kuwo kale oo caalami ahba. Waxa uu Madaxweynuhu tibaaxay in dunidu ay aad u tixgeliso dalkii Soomaaliya oo ay maanta ka taagan tahay dil, budhcad badeed , Qax iyoguul darooyin aan la soo koobi Karin. Waxa kale oo kulankaasi uu Madaxweynuhu la yeeshay Wakiilka AU u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya goob joog ka ahaa Wasiirul-dawlaha Arrimaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Nuur iyo Dr Maxamed W. Ducaale oo ah La Taliyaha AU-da ee Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland