Xaaladda Deegaano u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo colaado ay ka jireen oo degan

Sabti, September 13, 2008(HOL): Waxaa degaanaansho laga soo sheegayaa Deegaanno u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe, kuwaasi oo dhawaanahan ay jirtay Xiisad colaadeed oo u dhaxeysay Beelo ka soo jeeda labada Gobol.

Wararku waxay intaas ku darayaan in deganaashahaas ay timid kadib markii ay colaadda soo farageliyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ku kala sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Intii ay Colaaddan taagneyd waxaa lagu dilay Deegaanno hoos-taga Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi oo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka kala tirsan dad gaaraya 10 ruux, kuwaasi oo loo dilay aano qabiil, iyadoo colaaddda labada beelood u dhaxeysana ay tahay mid soo jiitameysay muddo dheer.

Colaadda labadan Beelood u dhaxeysa oo la sheegayo in ay sanado badan soo jirtay ayaa waxay salka ku heysaa muranno ka dhashay Dhul Daaqsin ah iyo Ceelal biyoodyo, waxaana colaadahaas ay galaafteen nolosha dad badan oo labada beelood ka soo jeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia