Dhibaatada ay qabaan Dadka u tahriiba Yemen

Sabti, September 13, 2008(HOL): Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo Xeebeed ku taall dhanka Bari ee dalka Somalia,waxaa maalmihi u danbeeyay ku qul qulayay dhalinyaro aad u fara badan, kuwaasi oo doonaya in ay xeebta Boosaaso ay ka tahriibaan.

Dhalinyaradaan ayaa badankooda waxa ay ka yimaadeen Koonfurta Dalka Somalia halkaasi oo ay kuu sheegayaan marka aad la sheekaysato in ay ka soo carareen dagaallada aan dhamaadka lahayd ee ka socda.

Dadkaan doonaya in ay ka tahriibaan xeebta Boosaaso waxaa ku jira Itoobiyaan isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaasi oo iyana  dhibaatooyin dhinaca nolosha ah   ka soo cararay.

Inta badan  Tahriibayaasha ayaa si ku meel gaar ah waxaa ay uga sii shaqaystaan Magaalada Boosaaso ,iyagoo furta Mehrado shaqo oo u badan lagu kariyo si ay u helaan lacag ay isaga bixiyaan safarka Tahriibta.

Dhawr jeer oo hore Maamulka Puntland ayaa isku dayay in uu xakameeyo Tahriibayaasha doonaya in ay ka tahriibaan Xeebta Boosaaso, balse taasi ma aysan dhicin Sababo la xiriirta Puntland oo gashay xaalad adag.

Doomaha ay raacaan dadka Tahriibayaashaas ah ayaa inta badan ah kuwa u nugul in ay ku burburaan Badda dhaxdeeda , xiliga lagu jira safarka Badda.

Dhibaatooyinka ay tahriibayaasha   la kulmaan waxaa ka mid ah in laga daadiyo doomaha ay saaranyihiin mar haddii ay kacdo badda ,maadaama Doomaha ay ku safrayaan aysan adkaysi u lahayn mawjadaha xiligaasi dhacaya.

Tahriibayaasha ayaa inta badan u safra dalal ay ka mid yihiin  Yemen
iyo Sucuudiga, si ay u helaan nolol ka dabacsan tan dalkooda hooyo.

Isku soo wada duuboo Sannadkan oo keliya, waxaa la diiwaan-geliyey inay 40,000-oo Tahriibayaal Afrikaan ah oo u badnaa Somali iyo Ethiopian ay gaareen Xeebaha dalka Yeman, halka ay boqolaal kalena ku geeriyoodeen kuwaasoo badankood Badda lagu daadiyay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe,Somalia