Sabti, September 13, 2008(HOL): Waxaa xalay saacadu markey aheyd 12:00 Saq dhexe isagga isaga baxay farsiimadii ay ku lahaayeen Magaalada Beledweyne Ciidamada Dowladda Itoobiya oo in ka badan labo bilood ku sugnaa gudaha Magaalada.
Markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ciidamada Itoobiyaanku baneeyeen Magaalada Beledweyne ayaa markiiba waxaa gudaha u soo galay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowgga Maxkamadaha oo la wareegay saldhigga Baliiska iyo waliba xarnta Maamulka Gobalka oo markii hore fariisin u aheyd Ciidamada Itoobiya.
Saakay Waaberigii hore ayaa si aan horay looga baran waxaa lagu arkayay bartamaha magaalada dad iyagu rax raxan u lugeynaya bal si markaa ay u eegaan sida jawigu yahay, gaar ahaan dadka intooda badan waxaa ku xoonsanaayeen ilinka hore ee Saldhigga Baliiska iyo Xarunta Maamulka Gobalka.
Afhayeenka dhinaca Howl-galada ee Midowgga Maxkamadaha Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya Magaalada Beledweyne ayaa sheegay jab iyo sida uu hadalka u dhigay guul darrooyin is daba joog ah kadib in Ciidamada Cadowgu isaga baxeen Magaalada, isagoo intaa raaciyay in Xoogagga Maxkamaduhu meel kasta uga daba tagi doonaan Ciidamada Itoobiya xitaa ayuu yiri haddii ay ahaan laheyn Jante-kuundisho.
Marka laga soo tago sheegashada Afhayeenka si dhab ah looma oga sababta keentay in Ciidamadu isaga baxaan Magaalada, inkastoo wararka qaar sheegayaan in uu jiro amar ka soo baxay Saraakiisha joogta Xerada Jante-kuudisho waxaana jira shaki dadku ka muujinayo in Ciidamadu mar kale soo laabtaan.
Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Beledweyne ayay dadku u arkaan in ay fursad u tahay dib u howl-gelinta adeeggii guud ee dadweynaha kuwaas oo intooda badan ku xirmay dagaallo dhowr ah oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha gaar ahaan waxaa in la xuso mudan goobaha lagu Cibaadeysto oo intooda badan xirnaa ka hor inta aysan curan bisha Ramadaan,
Marka laga soo tago Ciidamada Itoobiya sidoo kale waxaa ay dhamaan isaga baxeen Magaalada Xubnihii dhinaca Maamulka ka joogay sida Duqa Magaalada Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) iyo waliba Gudoomiyaha Degmadda Jalalaqsi Muuse Cismaan Ciyow oo ku sugnaa Magaalada Beledweyne tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Beledweyne dagaalo dhaxmaray iyaga iyo Xoogagga Maxkamadaha waxaa ku geeriyooday in la og-yahay in ka badan 30 ruux kuwaas oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Beledweyne iyo Xoogagga Maxkamadaha oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada
More News
- Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo soo saaray Bayaan lagu xirayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq-biri-weyne
- Guddoomiyaha Gobolka Bay oo u hanjabay Saxafiyiinta iyo Ganacsatada Baydhabo
- Maxamed Dheere oo wareejiyay Xilkii Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir
- Madaxweyne Daahir Rayaale oo qaabiley Wefti sare oo ka socday Ururka Midowga Afrika
- Weerar hoobiyayaal loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah Magaalada Baydhabo
- Qarax ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Towfiiq
- Xaaladda Deegaano u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo colaado ay ka jireen oo degan
- Dhibaatada ay qabaan Dadka u tahriiba Yemen