Sabti, September 13, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu hanjabaad u diray Saxafiyiinta iyo Ganacsatada Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha waxaa uu Saxafiyiinta ka howlgasha Magaalada Baydhabo uu ku eedeeyay in ay si aan sax ahayn u tebiyaan wararka ka dhacaya magaalada Baydhabo, si gaar ahna waxaa uu u xusay weerar xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo, kaasi oo uu sheegay in aysan Saxafiyiinta uga waramin sidii saxda ahayd.
“ Wariyayaasha Haddii ay ka waantoobi waayaan wararka aan jirin ee ay ka tebinayaan Gobolka, gaar ahaan Magaalada Baydhabo waxay la kulmi doonaan xarig, tallaabo ayaana laga qaadi doonaa”ayuu yiri C/fataax Ibraahim Geesey oo soo ahaa Mas’uul saxaafadeed, isla markaana qudhiisa dhowr jeer xabsiga loo taxaabay isagoo ahaa Agaasimaha Idaacadda Warsan ee Magaalada Baydhabo
Mar uu Ganacsatada Magaalada Baydhabo ka hadlayayna waxaa uu sheegay in ay ogyihiin ganacsato badan oo gacan saar la leh kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay arrintaas baaris ku sameyn doonaan haddii ay helaan dad ganacsato ah oo kooxahaas la shaqeynaya ay qoorta ka jari doonaan.
“Waxaan la baari doonaa guryaha iyo goobaha ganacsatada, haddii hub laga soo helana tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa, qoorta ayaana laga jari doonaa”ayuu yiri C/fataax Geesey oo sheegay in aaney u sii dul-qaadan doonin in amni darro laga abuuro Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa maanta howlgallo ka fuliyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxaana howlgalladaas lagu soo qabqabtay dad badan, kuwaasi oo uu Guddoomiyaha Gobolka Bay sheegay in maxkamad la soo taagi doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia