Sabti, September 13, 2008(HOL): Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta wuxuu wareejiyay xilkii Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka, wuxuuna ku wareejiyay Guddi KMG ah oo ay Dowladda Federaalka u magacawday in uu soo diyaariyo doorashooyinka Maamulka Gobolka Banaadir.
Maxamed Dheere oo ka hadlayay xaflad uu xilka ku wareejinayay oo lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in maamulkiisii oo meel eber ah wax ka soo bilaabay uu wax weyn qabtay, wuxuuna caddeeyay in uu ku faraxsan yahay in uu gaarsiiyay Gobolka Banaadir in madaxdiisa la soo doorto.
Intaas kadib Maxamed Dheere waxaa uu u mahadceliyay Mas’uuliyiintii kala tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday, kuwaasi oo uu sheegay in ay howl-karnimo muujiyeen waqti aad u adag oo weliba la dilayay madaxda maamulka Gobolka.
Xafladdii xil-wareejinta ahayd waxaa isna ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Shiikh Muxyaddiin, kaasi oo isna ka codsaday xubnihii Maamulka Gobolka in ay la shaqeeyaan, si ay guddi ahaan u gutaan howsha loo xil-saaray.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay Gobolka Banaadir u magacaabeen Guddi KMG ah oo muddo 15 maalmood gudahood ah ku soo diyaarin doona maamul ay dadka soo doortaan oo uu yeelan doono Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia