Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo magacaabay qaar ka mid ah Xubnaha Golahiisa Wasiirrada

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Axad, August 03, 2008(HOL): Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu magacaabay 6 Wasiir oo isugu jira xubno lagu bedelay Wasiirro shalay is-casilay iyo kuwo ka harsanaa Xukuumaddiisa.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirro shalay lagu soo daray Liiska Wasiirradii is-casilay oo dalka dibadda uga maqan aysan weli u soo gudbin qoraalka is-casilaaddooda hayeeshee uu ka sugayo wasiirraddaas in ay mowqifkooda u soo caddeeyaan.

"Sababta aan deg degta ugu magacaabay Wasiirradan ayaa waxay tahay Golaha Wasiirrada marka ay shirayaan waxay u baahan yihiin in ay helaan Kooram ay ku fariisan karaan taasina suurtagal ma noqon karin iyadoo aan la buuxin booska Wasiirradii is-casilay.

Wasiirada la magacaabay

Xuseen Maxamed Muuse Wasiirka Xanaanada Xoolaha Kallumeysiga iyo Bii'ada
Cabdalla Xaaji Cali, Wasiirka Caafimaadka
Fahmo Axmed Nuur, Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
Cabdalla Boos Axmed, Wasiirka Waxbarashada
C/casiis Xasan Maxamed, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ismaaciil Xasan Maxamuud Timir, Wasiir ku xigeeka Wasaaradda Dib u heshiisiinta, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

Dhanka kalena Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu magacaabay Wasiirrada cusub ee Xukuumaddiisa waxaa uu ka hadlay Qarax saaka ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama, kaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 Haween ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 50 kale oo haween ah.

"Annaga oo aad uga tiiraanyeysan dhibaatadii soo gaartay Haweenkaas ayaa waxaan tacsi u direynaa qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii ay haweenkaas ka geeriyoodeen"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo wariyayaal kula hadlayay Xafiiskiisa Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia