Banaanbax lagu taageerayay Dadaallada Dib u heshiisiineed ee ay Waddo Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka dhacay Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir

Axad, August 03, 2008(HOL): Degmooyinka Yaaqshiid, C/Casiis, Marka, Buulo Mareer iyo Aw-dheegle oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay waddoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen maamullada  Degmooyinka ay banaanbaxyada ka dhaceen ayaa dadkii ka qeybgalay waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayeen Xukuumadda Federaalka, iyagoo sheegay in ay u arkayaan Xukuumadda Federaalka mid ka shaqeyneysa sidii dalka Soomaaliya xasilooni lagu gaarsiin lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Maxamuud Cilmi oo la hadlayay dad isugu soo baxay Magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolkaas ayaa wuxuu sheegay in aan xoog iyo amar ku taakleyn wax lagu noqon karin, taasi bedelkeedana ay taageersan yihiin in dib u heshiisiin iyo wada hadal xal lagu gaaro.

Dadka isugu soo baxay Degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay dhinaca kalena banaanbaxooda uga soo horjeedeen xil-ka-qaadis dhawaan lagu sameeyay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (Cali Ganey) iyo Nuuriye Cali Faarax, kuwaasi oo wareegto la sheegay in ay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Yuusuf xilkii ay hayeen looga qaaday.

Ugu dambeyntiina, Dadkii ka qeybgalay Banaanbax ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegeen in ay taageerayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida ay yiraahdeen dadaal ugu jirta sidii ay u dhamaan lahaayeen dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia