Dagaal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

Axad, August 03, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Maxkmadaha Islaamka oo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo bilowday saaka aroortii ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo ilaa Xaafadda Mahad Alle, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, kuwaasi oo halkaas fariisimo ku leh.

Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha dhinacyada dagaallamay ka soo gaaray dagaalkii saaka, waxaana taasi ugu wacan iyadoo goobaha uu dagaalka ka dhacay ay yihiin aagag ciidan oo aysan ku sugneyn dad labada dhinac ka madax bannaan oo ogaan karta khasaaraha ay isu geysteen.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay saaka weerar ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee fariisimaha ku leh Hotelka Sports ee ku dhow garoonka Muqdisho Stadium iyo Ciidamo Soomaali ah oo ku sugan Isgoyska Miisaanka Dhuxusha, Carafaat iyo Xaafadda Mahad Alle, wuxuuna sheegay in ay halkaas dhibaato ugu geysteen Ciidamadii ku sugnaa.

Dhinaca kalena ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkii saaka ka dhacay qeybaha ka midka ah Wadada Warshadaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia