Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Ganacsatada iyo Maamulka Puntland

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed C.Yuusuf Gaa-Gaab
Axad, August 03, 2008(HOL): Wasiirka Maaliyadda Dawlada Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf GaaGaab ayaa maanta waxa uu shir jaraa'id ku qabtay dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,isagoo shirkaan kaga warbixiyay arimo la xiriira dhaqaalaha Puntland.

Wasiirka ayaa shirkan kaga hadlay khilaafkii baryihii u dambaysay ka dhax taagnaa Maamulka iyo Ganacstada, kaasi oo ku salaysnaa diidmo ay Ganacsatadu diideen in ay dajiyeen badeecado uga soo dagayay dakedda Magaalada Boosaaso iyo in wasaaradda Maaliyadda ay si qaldan u maaraysay miisaaniyada sanadeedkii dakhliga Puntland.

Shirkan uu maanta qabtay Wasiirka Maaliyadda waxaa ka qayb galay qaar ka tirsan Ganacastada Puntand,waxaana uu ku cambeerayay falkii ay ku kaceen Ganacstada oo ahaa in ay diiden dajinta badecado wali ku xayirnaa maalmo ka hor dekadda Boosaaso.

Waxaa uu tilmaamay Wasiirka Maaliyadfa in aysan jirin wax canshuur ah oo lagu kordhiyay Ganacstada, isla markaan ay buun buuniyeen arintani dad dano gaar ah ka leh Puntland.

Shirkan uu maanta qabtay Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa ku soo beegmaya , xilli ay qar iyo qar kala taaganyihiin Maamulka iyo Ganacsatada arrimo la xiriira Canshuuraha.

Ganacstadii ka qayb gashay kulankaasi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maamulka iyo Ganacstada ay isla meel dhigeen arimo fara badan oo khuseeya dhanka Canshuuraha.

Shalay galinkii dambe ayey ahayd markii kulan  ay isugu yimaadeen Madaxwaynaha Puntland iyo Ganacsatada, iyadoo la sheegay in kulankaaslagu soo afmeeray khilaafkii ka dhax taagnaa Maamulka iyo Ganacsatada Puntland.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso , Somalia