XILDHIBAAN JINNI BOQOR: "Aniga waxaan u arkaa waqti dhumis in la isku mashquuliyo la xisaabtan Xukuumadeed iyadoo uu sii dhamaanayo Waqtigii Dowladda Federaalka"

Axad, August 03, 2008(HOL): Xildhibaanad Cabdi Cabulle Siciid (Jinni Boqor) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu waqti lumis ku tilmaamay in la yiraahdo waxaa lala xisaabtamayaa Xukuumadda Federaalka iyadoo buu yiri uu sii dhamaanayo Waqtiga jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Waxaa noo harsan  wax sanad ka yar oo ah 11 bilood, marka intii waqti lagu lumin lahaa wax aan munaasib ahayn waxaan qabaa in la taageero dib u heshiisiinta ay Beesha Caalamka waddo ee la isugu keenayo dhinacyada Dowladda Federaalka  iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta"ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.

Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray in uu qabo in waqtiga yar ee u harsan Dowladda Federaalka xoogga la isugu geeyo sidii dib u heshiisiin buuxda loo gaari lahaa, isla markaana looga tashan lahaa waxa laga yeelayo marka uu dhamaado waqtiga Dowladda Federaalka.

"Afar sanadood oo ay soo jirtay Dowladda Federaalka ma jirin wax ay qabatay Dowladda Federaalka, marka waxaan qabaa in aan la lumin fursadda ay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ay Soomaaliya siinayaan oo ah in dhinacyada isku haya Soomaaliya la isu keeno, isla markaana meesha laga saaro dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya ka jira"ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo sheegay in dib u heshiisiinta socota ay taageersan yihiin Dowlado waa weyn oo Caalamka ah sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwo kale.

Xildhibaan Jinni Boqor waxaa uu ku cel celiyay in aan waqti kale lagu lumin wax aan jirin, wuxuuna ku baaqay in laga faa'iideysto fursadda ay Soomaaliya heysato, taasi oo uu sheegay in haddii la dayaco aaney Soomaaliya mar kale soo mari doonin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia