Axad, August 03, 2008(HOL): Ku dhawaad 15 haween ah ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay ku qaraxday miino u ekeyd midda remote-ka laga hago, taasi oo ku aasneyd meel ay haweenkan oo ka shaqeeya nadaafadda ay ku nasanayeen.
Halka qaraxa uu ka dhacay oo ah Wadada Makka Al-Mukarrama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Shineemo Soomaaliya iyo Hotelka Ambassador ayaa waxay haweenka ka wadeen howlo nadaafadeed oo ay horay uga soo qabteen Waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dad goob-joogayaal ah ayaa waxay sheegeen in markii ay Haweenka Miinada ku qarxeysay ay fadhiyeen meel ay ku nasanayeen, waxaana la sheegay in qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo jar-jaray jirka haweenkaas, kuwaasi oo xubnaha jirkooda la kala garan waayay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Haween nadaafad ka shaqeynayay ay waxyeello ka soo gaarto waxyaabaha qarxa, waxayna ahayd bartamihii sanadkii hore ee 2007 markii haween howlo nadaafadeed ka waday inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha uu qarax haleelay, iyadoo halkaasina ay ku geeriyoodeen shan haween ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia