Axad, August 03, 2008(HOL): Mas'uuliyiin u kala hadlay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay isku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen qarax saaka ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama, kaasi oo ay ku dhinteen 15 haween ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen haween kale oo 45 ruux gaaraya.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xil-ka-qaadista ku sameysay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen sida u yiri kuwo dan-laawayaal ah oo aan siyaasad iyo diin shaqo ku lahayn, wuxuuna sheegay in ay aad uga xun yihiin haweenkii qaraxaas ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay intaba.
"Kuwii qaraxaas ka dambeeyay ma ahayn kuwo siyaasad iyo diin shaqo ku leh, waayo waxaa caddeyneysa taas dadka ay dileen waxay ahaayeen Haween masaakiib ah oo waday howlo nadaafadeed"ayuu yiri Maxamed Dheere.
Dhanka kalena, Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in qaraxii ay haweenkaas ku dhinteen ay ka dambeeyeen sida uu hadalka u yiri Ciidamada cadawga iyo daba-dhilifkooda, wuxuuna taasi ku sababeeyay in halka qaraxa uu ka dhacay iyo meel ay Ciidamada Itoobiya joogaan ay isu jiraan wax yar oo dhowr tallaabo ah.
"Meeshaas waxaa jooga Ciidamada Itoobiya kaliya, mana jirto cid waxyaabo qarxa geyn kartay halkaas, taasina waa iska caddahay iyaga ayaa ka dambeeyay qaraxaas"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo intaas ku daray in ay aad uga xun yihiin haweenkii ku naf-waayay qaraxii saaka ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia