Meelo badan oo ay isaga eg-yihiin Dowladdii TNG-da ee Carta lagu soo dhisay iyo Dowladdan TFG-da ee Mbagathi lagu soo dhisay

Axad, August 03, 2008(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa la qabtay shirar badan oo la doonayay in lagu soo celiyo Dowladnimadii Soomaaliya, iyadoo shirarkaasina ay ka dhaceen dalka Dibaddiisa.

Labadii shir ee ugu dambeysay haddii aynu  ka soo qaadanno waxay kala ahaayeen Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee sanadkii 2000 lagu qabtay Tuulada Carta ee Dalka Jibouti, waxaana shirkaas ka soo baxday Dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan. Shirkan waxaa ka qeybgalay qeybo badan oo ka socday Bulshada Soomaaliyeed marka laga reebo Hoogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya.

Shirkii ugu dambeeyay ee Soomaalida loo qabtayna wuxuu ahaa Shirkii lagu qabtay Tuulooyinka Eldoret iyo Mbagathi ee Dalka Kenya Sanadkii 2002, waxaana shirkaas oo waqti dheer qaatay, isla markaana la isugu geeyay inta badan Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya ee ka baaqsaday Shirkii Carta ugu dambeytii ka soo baxday Dowladda TFG-da ee Madaxweynaha ka yahay C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dowladihii ka soo baxay labadan shir ee ugu dambeeyay oo kala TNG iyo TFG waxay isaga mid  yihiin meelo badan, waxaana ka mid ah:

a) Qaab dhismeedkooda guud oo ah Baarlamaan lagu soo xulay qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5 formula), isla markaana aan lahayn Dastuur rasmi ahm, marka laga reebo Axdi KMG ah oo labada dowladoodba loo soo sameeyay.
b) Baarlamaanka oo Madaxweynaha soo dooranaya.
c) Madaxweynaha oo Ra'iisal Wasaare soo magacaabaya
d) Iyo Ra'iisal Wasaaraha oo isna soo dhisaya Xukuumadda

Markii la soo dhisay Labada Dowladoodba hadaba waxay isaga mid noqdeen qaabka dhaqanka Madaxdooda, waxayna inta badan waqtigooda ku qaateen khilaafaad dhexdooda ah, kaasi oo ragaadiyay waxqabadka labada Dowladood.

Madaxdii Dowladdii TNG-da ee Carta-Jibouti lagu soo dhisay

Bidix ka bilow: C/qaasim Salaad Xasan , Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdalla Deerow Isaaq

Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan markii la doortay wuxuu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare aqoon sare leh oo ahaa Dr. Cali Khaliif Galeyr, kaasi oo markii ay muddo wada shaqeynayeen ay isku dhaceen, kadibna uu ku bedelay Ra'iisal Wasaare Darajada Ciidamada ka gaaray Korneel, welibana Sharci-yaqaan ah, wuxuu ahaa Xasan Abshir Faarax oo xilkaas loo magacaabay xili uu sii dhamaanayay waqtiga Dowladdii TNG-da.

Xasan Abshir iyo C/qaasim Salaad waxay isku dhaceen markii uu bilowday Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya lagu qabtay, markaasi oo uu Xasan Abshir hoggaaminayay Ergo Shirkaas uga qeybgashay Dowladdii TNG-da. Sabab kasta ha ahaato Xasan Abshir xilkaas waa laga qaaday waxaana lagu bedelay Maxamed Cabdi Yuusuf oo xilka Ra'iisal Wasaarenimada Dowladdii TNG-da hayay ilaa ay Dowlad kale ka soo baxday Shirkii Kenya.

Waxaa is-qabtay Madaxweyne C/qaasim iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka TNG-da Cabdalla Deerow Isaaq, kaasi oo ugu dambeyntii lagu bedelay nin lagu magacaabo Mustaf Mukhtaar Guudow oo waqti kooban hayay Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaankii TNG-da.

Madaxda Dowladda TFG-da ee Mbagathi-Kenya lagu soo dhisay

Bidix ka bilow: C/llaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geeddi, Nuur Xasan Xuseen, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Shiikh Aadan Maxamed Nuur

Haddaba Dowladda TFG-da ayaa iyaduna markii Madaxweynaheeda la soo doortay waxay cagta saartay dariiq la mid ah mid kii ay martay Dowladdii TNG-da tusaale: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii la soo magacaabay wuxuu xilka Ra'iisal Wasaarenimada u soo doortay Ra'iisal Wasaare Aqoon sare leh kaasi oo ahaa Prof. Cali Maxamed Geeddi, oo markii ay dhowr sano  wada shaqeynayeen ay isku dhaceen, kadibna uu ku bedelay Ra'iisal Wasaare Darajada Ciidamada ka gaaray Korneel, welibana Sharci-yaqaan ah, waana Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo  markii uu xilkaas qabtay la yimid siyaasad uusan jecleysan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa haatan jira khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaarihiisa Nuur Cadde, kaasi oo uu madaxweynaha daneynayo in uu ku bedelo Ra'iisal Wasaare Seddexaad oo ay Dowladdiisa yeelato.

Si la mid ah sidii Dowladdii TNG-da Dowladda TFG-da waxay bedeshay Guddoomiyihii Baarlamaanka kaasi oo ahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxayna haatan oo uu waqtigeeda sii dhamaanayo ay leedahay Guddoomiyihii labaad ee uu yeesho Baarlamaanka TFG-da, waana Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).

Ra'iisal Wasaarayaashii TNG-da ee la isku bed-bedelay waxay ka soo jeedeen Beesha Harti Daarood, halka Ra'iisal Wasaarayaasha ay isku bedeshay Dowladda TFG-dana ay ka soo wada jeedaan Beesha Abgaal. Dhammaan Guddoomiyayaasha Baarlamaan ee ay labada Dowladood isku bedeleen-na waxay ka soo wada jeedaan Beesha Digil iyo Mirifle.

Waxaa jira meelo yar oo aysan labada dowladood isaga mid ahayn, waxaana ka mid ah:

Dowladdii TNG-da Wadamada Reer Galbeedka taageero kama helin, waxaana kaliya taageeri jiray Dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, halka Dowladdan TFG-da ay taageeraan Dalalka Reer Galbeedka, dalalka Carabtana aysan u taageerin sida Dowladdii TNG-da.

Dowladdii TNG-da oo ay ka hor-yimaadeen Hoggaamiye Kooxeedyadii aan shirkii lagu soo dhisay ka qeybgelin waxay waqtiga jiritaankeeda ku dhameysatay Magaalada Muqdisho oo weliba qeybo ka mid ah ay ka talinayeen Hoggaamiye Kooxeedyo qaarkood ay taageeri jirtay Dowladda Itoobiya.

Balse Dowladdan TFG-da oo ay ku jiraan dhamaan Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya waxay iyadoo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay Xukunkeeda ku baahisay inta badan gobollada  Soomaaliya ku yaala, inkastoo ay dagaal kala soo horjeedaan Xoogag ka tirsanaa Maxkamadihii Maxkamadihii Islaamka oo ay gacan ku heyntii Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya kala wareegtay kadib markii ay muddo 18 bilood ah ay ku wareegeysay magaalooyin aan Caasimadda Soomaaliya ahayn.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladdan TFG-da oo waqtiga jiritaankeedu uu ka harsan yahay 11 bilood iyo 19 maalmood ayaa waxay u muuqataa mid ku dhamaaneysa halkii ay ka soo baxday Dowladdii TNG-da oo ah Jibouti, tusaale ahaan Dowladdii TNG-da ee Jibouti lagu soo dhisay waxay ku dhamaatay Shirkii Mbagathi oo ay ka soo baxday Dowladda TFG-da, Dowladda TFG-da ee lagu soo dhisay Mbagathi-na waxay u muuqataa mid ku  dhamaaneysa Jibouti oo ay ka bilawdeen wada hadallo lagu heshiisiinayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo haddii ay guuleystaan la filayo in ay ka soo baxdo Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia