Ururka Al-Shabaab oo sheegay in ay u soo galeen Ciidamo ka soo goostay Dowladda Federaalka

Axad, August 03, 2008(HOL): Ururka Al-Shabaab ayaa maanta wuxuu sheegay in ay u soo goosteen 25 Askari oo ka tirsan Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa'id ku qabtay qadka Taleefoonka ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada u soo goostay oo Boolis ahaa ay kuwo codsaday in la fasaxo ka iibsadeen qori gacmeedyo ay wateen, kadibna ay sii daayeen.

"Annagu horay ayaan u sheegnay Askarigii noo yimaada waan soo dhaweyneynaa, haddii uu doonayo in uu iska tagana hubka uu wato waan ka iibsaneynaa"ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in ay weli ku baaqayaa in ay soo dhaweynayaan ciidamo kasta oo dhinacooda u soo goosta.

Laakin hadalka uu sii daayay Afhayeenka Ururka Al-Shabaab waxaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka G/sare Cabdi Macallin oo sheegay in aaney jirin Ciidamo ka goostay Dowladda Federaalka oo isu dhiibay Ururka Al-shabaab.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Illaa iyo haatan ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijin karta run iyo been hadallada ay sii daayeen mas'uuliyiinta labada dhinac u kala hadlay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia