Qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne oo lala beegsaday Ganacsade Qaadka ka ganacsada

Axad, August 03, 2008(HOL):  Qarax aad u xooggan ayaa maanta duhurradii wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saldhigga Booliska Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid lala beegsaday nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano Magaalada Beledweyne.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa waxaa lala beegsaday Nin ganacsade ah oo Qaadka ka baayac-mustara kaasi oo lagu magacaabo Tariin Cabdulle Shiikh, iyadoo  la sheegay in qaraxii lala beegsaday ganacsadahaas  uu dhaawac culus ka soo gaaray.

Ninkani ganacsadaha ah ayaa wuxuu qaraxa haleeyay isagoo ka soo baxay Bakhaar uu Qaadka ku keydsado, isla markaana doonayay in uu raaco gaari uu watay oo u yaalay iridka Bakhaarka.

Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo isku gadaamay halkii qaraxa ka dhacay, iyadoo kadibna ay nawaaxiga halka qaraxa ka dhacay isaga kala carareen dadkii ka dhawaa.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay weli ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay tahay mid aysan weli si rasmi ah ugu soo noqon dadkii magaalada ku noolaa oo uga barakacay sabab la xiriirta dagaal dhawaan gudaha magaalada ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xoogag ka soo horjeeday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia