Isniin, April 28, 2008(HOL): Waxaa meel gebo-gebo ah maraya dhismaha maamul ka yimid Dadka Gobolka Hiiraan, iyadoo soo qaabeynta maamulkaasina ay si weyn ugu howlan yihiin Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka, kuwaasi oo beryahan shirar ka lahaa sidii wax looga qaban lahaa marxaladda adag ee uu galay Gobolka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika- Danjire C/kariin Faarax Laqanyo
Dadaalkan lagu badbaadinayo dadka Gobolka Hiiraan, isla markaana lagu dhisayo maamul ka yimid Dadka Gobolka ayaa waxaa kaalin muhiim ah ka ciyaaraya Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koofur Afrika C/kariin Faarax Laqanyo oo u yimid Gobolka sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adag ee uu galay Gobolka.
Ilaa iyo haatan waxay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka ay isku raaceen oo ay isla meel dhigeen Ciddii noqon lahayd Guddoomiyaha Gobolka, waxaana haatan lagu howlan yahay turxaan-bixinta ku xigeennadii guddoomiyaha Gobolka iyo weliba Guddoomiyaha Degmada iyo ku xigeennadiisa.
Danjire C/kariin Faarax Laqanyo oo isagoo ku sugan gobolka Hiiraan u waramayay HOL ayaa sheegay in ay aad ugu dadaaleen sidii aan Gobolka Hiiraan mar kale loogu soo magacaabi lahayn maamul dusha sare looga keenay oo aysan dadka gobolka raali ka ahayn, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas xiriir kala sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kalena, C/kariin Laqanyo waxaa kale oo uu sheegay in ay xiriir kala sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda sidii aan loogu dul-dagaalami lahayn Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, wuxuuna caddeeyay in arrintaas meel-marinteeda ay ku guuleysteen.
“Dadka Gobolka Hiiraan waxay taagan yihiin meel ay u baahan yihiin in la badbaadiyo, sababtaas darteed ayaana u imid gobolka, bacdamaa Gobolka Hiiraan uu yahay gobolka aan ka soo jeedo”ayuu yiri C/kariin Faarax Laqanyo oo intaas ku daray in aysan ahayn markii ugu horeysay oo uu Gobolka yimaado xili ay dadkiisa u baahan yihiin midnimo iyo wadajir.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay ugu magacawday Gobolka Hiiraan labo maamul oo ay kala hoggaaminayeen Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo labo jeer loo magacaabay xilka Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan iyo Xuseen Muxumed Maalin oo isna waqti kooban hayay xilka guddoomiyenimada Gobolka.
Sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin, haatan wax maamul ah ma lahan gobolka Hiiraan, sidaas darteedna waxaa la filayaa in saacadaha soo socda gobolka loo magacaabo Maamul ka yimid Dadka Gobolka, kaasi oo wax badan ka duwanaan doona maamulladii horay u soo maray.
“Haddii ay Dadka Gobolka wax qabsadaan oo ay helaan maamul iyaga ka yimid waxaa hubanti ah in ay meesha ka bixi doonto baahida loo qabo in ay Ciidamo Itoobiyaan ah sugaan ammaanka Gobolka Hiiraan”ayuu mar kale yiri Danjire C/kariin Laqanyo oo carrabka ku dhuftay in ay si weyn uga soo horjeedaan in gobolka uu noqdo mid dagaallo ka bixi waaya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadaallada lagu badbaadinayo Dadka Gobolka Hiiraan ee ay wadaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika Danjire Laqanyo iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka oo dhan ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo Gobolka uu u baahnaa cid u istaagta oo dhexda u xirata sidii wax looga qaban lahaa mushkiladaha ay nabadgelyo la’aanta ugu horeyso ee ka jira.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia