Isniin, April 28, 2008(HOL): Labo qarax oo loo kala adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo Miinada Dhulka lagu aaso ayaa saaka waxay ka kala dhaceen Waddooyinka Makka Al-Mukarrama iyo Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.
Labadan Qarax oo ay u dhaxeysay wax ka yar nus saac ayaa wuxuu midka hore oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ka dhacay Nawaaxiga Shineemo Soomaaliya ee Wadada Makka Al-Mukarrama, waxaana la sheegay in qaraxaas loola dan lahaa Booyad ay leeyihiin Ciidamo Itoobiyaan oo Wadadaas mareysay.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxaas ka dhashay, sidoo kalena ma jirin rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamadii lala beegsaday. Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa horay uga dhacay dhowr qarax, kuwaasi oo qaarkood ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay.
Qaraxa labaad oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa uu ka dhacay meel dhowr tallaabo u jirta Isgoyska Siinaay, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid la doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku leh goob ay lacag canshuur ah uga qaadaan Gaadiidka Wadadaas isticmaala.
Qaraxaas iyo rasaas ku xigtay oo ay fureen Ciidamada Dowladda ayaa waxay sababeen in ay dhaawacmaan afar ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo isugu jiray kuwo saarnaa Gaari BL ah, kuwo ku guda jiray howlahooda shaqo. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo xalay Bambo Gacmeedyo lagu weeraray Guriga Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Yaaqshiid Maxamuud Maxamed Xaaji, inkastoo labada bambo ee gurigaas lagu tuuray oo mid ka mid ah ay qaraxday aysan waxyeello geysan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay u soo guurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ku soo badanaya qaraxyada lala beegsado Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo weliba gaadiidka ay la socdaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia