Gudoomiyihii Degmada Beledweyne oo sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Maamulka Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL):  Guddoomiyihii Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim oo xiriir la soo sameeyay qaar ka mid ah qalabka warbaahinta ayaa sheegay in uu iska casilay Xilkii uu ka hayay Maamulka Gobalka Hiiraan kadib markii sida uu hadalka u dhigay muddo Sedeed bilood ah uusan wax shaqo ah qaban.
 
Cilmi Saney Qaasim ayaa ku eedeyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Daba-geed in uu ka mas'uul yahay sababta keentay in xubno badan oo ka tirsan Maamulka Gobalka  isaga tagaan howlihoodii shaqo, maadaama ayuu yiri Gudoomiyuhu uu la wareegay howlihii loo baahnaa in ay qabtaan xubnaha kale ee Maamulka.
 
"Marxalada hadda lagu jiro iyo wax qabad la'aanta ka jirta Gobalka ayaa igu qasabtay in aan isaga tago xilkii aan hayay, xilligan wixii ka danbeeya waxaan ka mid ahay Bulshada reer Hiiraan ayuu yiri Cilmi Saney Qaasim oo jooga meel ka baxsan Magaalada Beledweyne.
 
Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne Cilmi Saney waxaa kaloo uu sheegay in uusan jiri wax abaabul ah oo ay wadaan Xubnaha Maamulka ka tirsan ee jooga Deegaanka Feer-feer kuwaas oo maalmihii aynu soo dhaafnayba la hadal hayay in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Beledweyne, waxaana uu intaa ku daray in aan loo baahneyn dhibaato loo horseeda Bulshada Gobalka Hiiraan.
 
Is-casilaadda Guddoomiyihii Degmada Beledweyne ayaa ka dhigeysa Maamulka Degmada  mid aan xiligan jirin, waayo waxaa horay isku casilay dhamaan ku-xigeenadii Gudoomiyaha Degmada oo ugu dambeyntii ku dhawaaqay in uu ku biiray saaxiibadiisii hore.
 
Guud ahaan waxaa la oran karaa Maamulkii ay u soo magacaawday Dowlada Federaalka Gobalka Hiiraan waxaa ka dhisan oo kaliya Gudoomiyaha Gobalka iyo Ku-xigeenkiisa dhinaca Siyaasada Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Cabdi Xuseen Geeddi oo labaduba hada kuwa sugan xadka Gobalku la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo la soo xiriiray Maalintii shalay Idaacada Codka Hiiraan ee ka dhisan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uu joogo Deegaanka Kala-beyr isla markaana dhawaan uu ku soo wajahan yahay Gudaha Magaalada Beledweyne, waxaana uu intaa ku daray in Maamulkiisu ka shaqeyn doono sugida Nabad-galyada dadkuna loo baahan yahay in uu is dajiyo.
 
Mar la weydiiyay su'aal aheyd sida uu u arko hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin oo sheegay in Gobalka Hiiraan uusan laheyn wax Maamul ah kuna howlan tahay Dowlada Federaalku dhismaha Maamul cusub waxaa uu yiri " Anigu warkaa ma maqal, laakiin hadii uu jiro waa war sharci daro ah waayo wali waxaa taagan xubnihii Maamulka oo shaqeynaya.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo mudo ku dhan Sadax Todobaad aan wax maamul ah laheyn ayaa walaac ka muujinaya soo galitaanka Ciidamo Itoobiyaan ah mar hadii qeybo ka mid ah Magaaalada wali ku sugan yihiin xoogagga ka soo horjeeda Dowladda federaalka iyo joogista Ciidamada Itoobiya oo laga yaabo in uu iska hor'imaad dhaxmaro.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia