Maamulihii Warshadda Isbuunyada Canshuur oo u geeriyoday dhaawac ay u geysteen Ciidamada Itoobiya ee degan Xarunta Warshaddii Baastada

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Waxaa dhaawac ay gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada u geeriyooday maamulihii Warshadda Isbuunyada Canshuur ee Degmada Huriwaa Alle ha u naxariistee Xasan Nuur Samatar.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay shalay toogteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada, kuwaasi oo marxuumka meel dheer ka toogtay, wuxuuna u geeriyooday marxuumka dhaawacii soo gaaray oo ahaa mid culus.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii ay marxuumka tooganayeen waxaa lagu qaaday weerar xooggan oo loo adeegsaday Madaafiicda Hoobiyayaasha iyo kuwa garbaha laga tuuro ee Baasuukayaasha.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in saaka lagu aaso Magaalada Muqdisho, iyadoo ay dilkiisa si weyn uga xumaadeen ehelladiisa iyo weliba Dadkii ay wada ganacsanayeen oo saaka isugu tegay gurigii marxuumka, si ay u aasaan.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise ayaa saaka waxay gudaha u galeen Xaafadaha Degmada Huriwaa, iyagoo halkaasina ka soo qab-qabtay dad dhowr ah, inkastoo markii ay cabaar hayeen dadkaas  ay iska sii daayeen.

Ugu dambeyntiina, Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa uu ka dhacay Dagaal dhexmaray Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo intii uu dagaalkaas socdayna la dilay Dad badan oo rayid ahaa, kuwaasi oo isugu jiray kuwo guryahooda ilaashanayay iyo kuwo Masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa ku cibaadeysanayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia