Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo dagaal gacanta isula tegay, ka dib markii Mooshin la soo hor dhigay

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa buuq-badani hadheeyay, kaas oo Mudanayaasha qaarkood gacanta isku la tageen, ka dib markii uu baaqsaday in Golahaasi gudo galo mooshin loo balan-sanaa oo dhawr iyo toban Mudane ku dalbadeen in laga noqdo go’aanka Muddo kordhinta Madaxweynaha, oo Golahaasi hore ugu dhawaaqay.

Fadhigan oo u muuqday mid la isu soo diyaar-garoobay, isla markaana Mudanayaasha ka soo horjeeda muddo kordhinta iyo Mudanayaasha difaacayay oo Shir-gudoonka Golaha iyo Xoghayaha awooda badan ee Golahaasi la socdeen, ayaa wuxuu bilaabmay 10-kii Subaxnimo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Guurtida ah-na ku simaha Guddoomiyaha Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, ayaa Mudanayaasha ku wargeliyay in Goluhu u balan-sanaa mooshin ka dhan ah muddo kordhinta Madaxtooyada, oo koox Mudanayaal ahi hore ugu soo gudbiyeen Golaha, isla markaana Lataliyaha sharciga ee Golaha Guurtidu, ay arrintaa ka kaashanayaan shir-gudoon ahaan iyo gole ahaanba, inuu Mudanayaasha faah-faahin ka siiyo qodobada sharci ee mooshinkaa khuseeya. “Guddoomiye marka hore mooshinku waa xuquuq ay leeyihiin, xeer baana caddaynaya, oo Dastuurkeena ayay ka mid tahay, La-taliyuhu kama talo bixinaya mooshinku inuu sharci yahay iyo inaanu ahayn. Sidaa darteed kuma qancayno La-taliye ayaa sidaa yidhi, ee Shir-gudoonkiinu ka badheedha, oo waxaad tidhaahdaan mooshinkiinu ma soconayo, markaas ayaanu ku qancaynaaye.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan

Aadan Shire Farax  (Sanweyne)  “Inuu mooshinku xaq yahay oo mudanuhu xaq u leeyahay inuu soo jeediyo waa taan kaaga qabtay, laakiin waxa jira go’aan Guurti ayaynu halkan ku gaadhnay, mooshinkan iyo mashruucanina waxay ka daba tagayaan go’aankii Golaha. Sidaa daraadeed ayaanu u nidhi sharci yaqaanka bal ka keen talo sharci, isaguna maskaxdiisa uun go’aan ka keeni maayee sharciyadu hadii ay joojiso mooshinkiina wuu joogsanayaa, haduu sharci joojin waayana siduu ahaa ayuu ahaanayaa..” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Axmed Sheekh Nuux, oo isku dayay inuu ku qanciyo Mudanayaasha Lataliyaha sharci inay dhagaystaan, Hase ahaatee hugun ayaa ka bilawday Golaha, iyada oo ay u qaateen Mudanayaasha Mooshinka soo gudbiyay in la taliyaha sharci loo keenay si uu isu hortaago mooshinkooda. “Hadaad Xeer-hoosaadka buuxisaan ayuun baad xaq u leedihiin mooshinkiina.” Weedhahaasna waxa ku xoojiyay Guddoomiye Kuxieenka labaad ee Guurtidu Siciid Jaamac, hadalkii Guddoomiye Nuux Fure.

“Xeer-hoosaadba ma lihin, oo xeer hoosaad ma jiro, markaad doonayso ayuun baad keentaa, oo anaguba todobaad dhan ayaanu soo jeedinaynay xeer hoosaadka hoos ha loo eego, ood na maqli wayday, ee ma marka naftu ku qabato ayaad xeer-hoosaad ku meeraysanaysaa.” Sidaana waxa yidhi Xildhibaan Cawil, oo la hadlayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaasi.

Markaas waxa hadalka qaatay Xoghayaha Gollaha Guurtida Cabdillaahi-dheere “Waar fadhiiso Cawilaw.” Ayuu yidhi Xoghayuhu. Xildhibaan Cawil ayaa dhawaaqaa jawaab ka celiyay, isla markaana waydiiyay Shirgudoonka “Inankani (Cabdillaahi-dheere) ma isagaa meesha ka guddoomiye ah, maalintii horena idinka oo shirka Guddoominaya ayuu afduubay’e (muddo kordhintii).” Ayuu yidhi Cawil  isaga oo ka cadhaysan amarada is daba jooga ah ee kaga imanaya Xoghayaha Golaha Guurtida oo mansab ahaan shaqaale ka ah Golahaas, balse shabaha nin awood badan leh. Guddoomiyaha Golaha Md. Sheekh Nuux, oo taageerayay Xoghayaha ayaa amaray Xildhibaan Cawil in uu ka baxo Golaha, sidaana wuu kaga baxay.

Markaa ka dib waxa hadalka Guddoomiyuhu siiyay Lataliyaha dhinaca sharciga ee Golaha——- Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Markaan darsay  qodobada 61aad 64aad, 83aad ee Dastuurka Somaliland, iyo xeer hoosaadka Golaha iyo qodobka 32aad, ee Dastuurka. Su’aashu waxa weeye, waxa laga hadlayaa muxuu yahay, waa Go’aan Gole ee ma ahayn mooshin sharci oo gole kale uga soo gudbay. markaan darsay fadhigii 32aad ee kalfadhiga 35aad ee 10-kii bishan afraad, waxaan sarifaad u baahnayn in Goluhu uu gudanayay waajib dastuuriya, isla markaana dood dheer ka dib uu u xilsaaray Goluhu Guddi Golaha ka mid ah.” Intaa markuu marayo La taliyiha sharci ee Goluhu, ayuu mar kale buuqa iyo sawaxanku cirka isku shareeray, iyaga oo in badan oo Mudanayaasha Golaha ka mid ahi cod dheer ku iftiimayay in aanay jirin wax dood ah oo Goluhu ka yeeshay Mudda kordhintii Madaxtooyada Somaliland. Marka kale ayay xamaasada Golaha ka oognayd cirka isku shareertay, isla markaana ay gaadhay xaaladu gacan ka hadal, iyada oo laba-laba loo kala jiiday dhawr Mudane oo ka mid ah Xildhibaanadii ka soo xaadiray Madasha Guurtida. Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac iyo Xildhibaan Cawil, ayaa ku sigtay inay gacanta isula tagaan, ka dib markii ay si adag afka iskaga weerareen, “Waar anagaba Baaskoolada iyo Bakooradaha waxa nalagaga reebaa Kadinka Golaha’e, hadii shir-gudoonkii isticmaalayaan oo ay noo sharciyeeyeen, maxaa noo diidaya inaanu Golaha la soo galo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cawil isaga oo ka jawaabaya dareen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ku muujiyay inuu holanyo hub u qorsoon oo aanu la soo bixin.

Intaa ka dib waxa toos Golaha inay ka baxaan uga dalbaday Mudanayaashii iyagu mooshinka watay Xoghaya Guurtida, oo qaar ka mid ah Xildhibaanada inta ay weedho kul-kulul is dhaafdsadeen u dalbaday Askarta ilaalada ah ee Golaha, “Waar ka bax Golaha.” Ayuu yidhi Xoghayaha Guurtidu Cabdillaahi-dheere, oo la hadlayay Xildhibaan Pr. Axmed Dirir Cali, oo isna ugu jawabay “Kama baxayo Golaha, shaqaale ayaad tahay ee ma Golahaad xukuntaa?” “Inyar I sug, waar Askartii meeday, qabta oo xidha ninkan.” Ayuu Askartii Golaha ku amray Xoghayuhu, iyada oo dhawr Askari amarkaa ka dib isku dayeen inay kaxeeyaan Xildhibaan Axmed Dirir Cali, oo isagu diiday, isaga oo ku dooday in aanu sharcigu xidhaynin, isla markaan ninka amarkan bixiyay yahay xubin ka mid ah shaqaalaha Golaha uu Mudanaha ka yahay. Marka arinku halkaa marayo koox wariyayaal ah iyo qaar ka mid ah Mudanayaashuna kadinka isku haystaan ayaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Goluhu ku tiraabay inuu fadhigii xidhan yahay. Ka dib waxa Madashii ka dareeray Mudanayaashii iyagu mooshinka soo hordhigay Golaha Guurtida, isla markaana waxa dib loo furay fadhigii Guddoomiyuhu xidhay, iyada oo ay hogaaminta dib u furida fadhiga xidhmay ay hagayeen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaasi Md. Siciid Jaamac iyo Xoghayaha guud ee Guurtida Cabdillahi-dheere, iyaga oo halkaa ku gudagalay fadhi Mudanayaasha badhkood iyo qaar ka mid ah Saxaafadu ay dibada ka joogeen, ka dib markii loo diiday inay galaan. Isla markaana fadhigaa danbe waxa sida warku sheegay laga soo saaray go’aan ah in Guddi loo saaro Mudanayaasha mooshinka soo hordhigay Golaha, sidoo kalena inta ka horaysa Guddida loo saarayo aanay Golaha Guurtida soo gali karin. 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.