Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Laba Wiil oo dhalinyaro ah ayaa saaka ku dhintay Magaalada Hargeysa ilaa 4 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii Boqolaal ka mid ah dadwaynaha Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa, ay banaanbax rabshado watay iskugu soo baxeen Xaafadaha degmadaasi.

Mudaharaadkan oo la sheegay inuu ka dhashay kadib markii Xaafadii hore loo odhan jiray Cabdi Iidaan ee ka tirsanayd Waaxda Axmed Dhagax ay Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ay 23/4/2008 ay ka bedeleen Magacii, iyaga oo u bixiyey Degmada Sh. Cumar Yuusuf. Mudaharaadkan oo ka soo bilaabmay Xaafadaas, ayaa gaadhay meelo ka mid ah badhtamaha Magaalada. "Kama soo hor jeedno degmada la magacaabay, balse waxaanu ka soo horjeednaa oo aan la aqbali Karin in xaafadaasi magacii hore ee loo bixiyay laga bedelay, loona bixiyay magac cusub, xaafada markii hore waxa la odhan jiray Cabdi Iidaan, imika markii degmo laga dhigay maxaa loogu bixiyay nin kale, waa taas ayaanu diidan nahay"Sidaa waxayidhi mid ka mid ah dhalinyaradii horkacaysay banaan baxaasisababeeyay ujeedada mudaharaadkooda. "Lama yeeli karo, lana aqbali mayo in Degmada Axmed Dhagax la kala jaro, hadana loo bixiyo magac la doonayo in lagu xamaasadeeyo dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed dhagax."ayuu intaasi raaciyay wiilkaasi.

Ka qayb galayaasha bannaan-baxan, ayaa shiiday qaar ka mid ah Baabuurta Dowladda, waxana muraayadaha daaqadaha laga jajabiyay Baabuurka Hogaanka Hawl Gelinta Booliska Somaliland, halka Baabuur kale oo uu leeyahay Wasiirul Dawlaha Macdanta Iyo Biyahana la shiiday, inkasta oo aan khasaare weyn loo geysan.

Mudaharaadeyaashaasi waxa kale oo ay taayiro ku gubeen Waddooyinka degmada Axmed dhagax qaarkood, iyagoo markii dambena shiiday Dhismaha Golaha Deegaanka Hargeysa, oo xiligaasi uu ku sugnaa Maayarka Caasimada Hargeysa, Eng Xuseen Maxamuud Jiciir,in kasta oo markii dambe boolisku xabado ay kor u ridayeen ay ku kala kaxeeyeen.Warar kale ayaa iyaguna sheegaya, in sababaha bannaan-baxan keenay ay ka mid tahay Maciishadda qaaliyowday iyo biyo la'aan soo food saartay Xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.

Xukuummada Somaliland ayaa laashay go'aankii Golaha Degaanka Hargeysi ay ku magacaabeen saddex Degmo oo u cusub, oo ay ku kordhiyeen ka dib markii mudaharaadkaasi dhacay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Ciro), ayaa qoraal uu maanta ka soo saaray Xafiiskiisa ku sheegay in ay laalayaan Degmooyinkaa cusub, isla markaana ay ahaayeen kuwo si qalad ah Golaha deegaanku u magacaabay, kuna eedaysan yihiin Masuuliyiinta iyo maamulka Golaha deegaanku.  "Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu laalay jiritaanka Saddex degmo oo uu magacaabay Maayarka Caasimada Hargeysa, talaabada Magacaabista Saddexdaasi degmo waxay baal marsan tahay sharciga Gobolada iyo degmooyinka isla markaana aanu wax talo ah soo waydiinin Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaan leeyahay Golaha degaanka iyo Maayarka Hargeysa ka soo war bixi sabobta aad ugu xad gudubteen Sharciga u yaala magacaabista Gobolada iyo degmooyinka ee 23/20." ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi-Cirro, ayaa isaga laf ahaantiisu ka hadlay arrintan. "Aad iyo aad ayaan uga xumahay arrinta shaqaaqada ah ee maanta dhacday, runtii arrinta magacaabista degmooyinkaasi waxay ahaayeen arrin khilaafsan xeerka iyo sharciga degmooyinka..Shaqaaqadan waxaa sal u ah Golaha degaanka Hargeysa iyo waxaasi ay soo saareen, oo aanay Wasaarada la soo socodsiin kana xunahay." ayuu yiri Wasiirku.Waxaanu intaa raaciyay Wasiirku oo uu yidhi, "Shacbiga waxaan ka codsanaynaa inay is dajiyaan oo aanay u dhagtaagin wax sharci darro ah oo la laalay."

Dhinaca kale, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa cambaareeyay magac-ka-bedelidda ay Xaafaddaa ku sameeyeen Golaha Deegaanka Hargeysa.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.